Somalia oo lagu maxkammadeeyay askar shacab laysay

Muqdisho-(Berberanews)-Maxkamadda AMISOM ee ku taal magaalada Muqdisho ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 2 askari oo ka tirsan ciidammada nabad ilalainta AMISOM, halka saddex kalena ay xukuntay midkiiba 39 sano oo xadhig ah.
Waxaa halkaas lagu dhageysanayay kiis dacwadeed loo haystay shan askeri oo AMISOM ka tirsan kuwaas oo lagu helay “in ay dad rayid ah ku dileen” deegaanka Golwayn ee Shabeellaha Hoose.

Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay, oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida uu xukunka u dhacay.

“Xalano ayey maxkamadeynta ka dheceysay, laakiin anaga wax Soomaali oo qareen ah oo noo doodayay ma jirin. Marqaatiga nalaga dalbadayna waa hal wiil oo ninka beerta iskalahaa uu dhalay. Toddobo qof ayaa ku marqaati furay oo lix ka mid ah ay yihiin ciidanka Ugandha ee meesha joogay”.

“Ninkii kabtanka ahaa ee ciidanka watay waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii ku xigay ee watay unugga wax laayay, waxaa lagu xukumay dil toogasho. Ninkii maydka miinada dul saaray ee ku qarxiyayna waxaa lagu xukumay 39 sano oo xabsi ah”.

Labadii nin ee xabadda ku furtayna waxaa lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah”, ayuu yidhi Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose, Xuseen Cismaan Waasuge oo u warramay Bbc.
Sidoo kale, madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, wuxuu dhacdadaas Golwayn ka dhahay in askartii dilkaasi geysatay la ciqaabayo isla markaana magdhow la siinayo qoysaskii dadkooga la laayay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inaanau aqbali doonin, raallina aanay ka ahayn in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto.

Hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa horey u sheegay in baadhitaan hordhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in toddobo qof ay ciidamadooda ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah oo aanay ahayn xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidii AMISOM ay horey u shaacisay.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay dhammaadkii bishii siddeedaad ee sannadkan ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi la baadhayo isla markaana askartii geysatay dilka lala xisaabtami doono
Ka dib markii dhacdadaas ay dhacday waxay hoggaanka AMISOM la kulmeen cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, kuwaa oo sida ay sheegaty ay u caddeeyeen in aan marnaba la aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka ah.

AMISOM waxa ay intaasi ku dartay in baadhitaanka iyo dabagalka dhacdadaasi loo saaray guddi ka kooban toddobo xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga.

Baaritaankaasi waxaa sida ku cad war-saxaafadeedka AMISOM horkacaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba xubnood oo kale oo ka