Alshabaab oo qarax ku dishay askarta Djibouti

Somalia-(Berberanews) -Kooxda Al-shabaab ayaa  sheegatay masuulliyadda qarax ay ku dhinteen 5 askari oo ka tirsan ciidammada dalka Djibouti ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab waxay intaa ki dareen in qaraxa ay la beegsadeen mid ka mid gaadiidka ciidanka Jabuuti, xili ay marayeen wado ka mid ah wadooyinka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen 5 ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidammada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya.