Masuul ka tirsan waddani oo maxkamadda looga yeedhay

Hargeysa (Geeska) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa Shalay u yeedhay Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

Maxkamadda ayaa ku war-gelisay inay u taallo Dacwad ay u soo gudbisay Shirkadda diyaaradaha ee Daallo, taasi oo ka mid ah Shirkadaha Maxaliga ah ee Somaliland laga leeyahay.

Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo Shalay Warbaahinta la hadlay, ka dib markii uu Maxkamaddu ku war-gelisay Dacwadda u taalla, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI ka soo dacwootay Shirkadda Daallo Airlines, balse ma sheegin waxay Dacwaddu ku saabsan tahay ama ka kacday.

Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saaka (Shalay) waxaan tagay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, si aan u soo qaato Dacwaddii, iyadoo ay i weheliyaan Xildhibaan Barkhad Batuun oo ah Afhayeenkii Xisbiga WADDANI, Xoghaye Maxamed Faarax iyo Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme, waan soo qaatay Kiiskii.”

Xoghayaha oo la waydiiyey Cidda soo dacwaysay, ayaa ku jawaabay “Sida Arjiga Dacwadda ku qoran, Shirkadda diyaaradda ee Daallo Airlines ayaa soo dacwootay, waxayna ku saabsan tahay Dacwaddu Shirkii Jaraa’id ee aan dhawaan ku qabtay Magaalada Hargeysa, kaasi oo ku saabsanaa Qadiyaddii duulimaadyada Shirkadda Fly Dubai, Aniga la igama soo dacwoon oo Anigu Shaqsiyad Qaanuuniya ayaan huwanahay, laakiin Xisbiga WADDANI ayay ka soo dacwoodeen oo aan Xoghayihiisa ahay, Kiiskuna waa kiis Maxkamad ku jira oo in gudihiisa la sii galo lama ogola (oo laga hadlo)…” ayuu yidhi.

Ma Cadda kiiskani waxa uu ku saabsan yahay, balse Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa Shir-jaraa’id oo uu laba Toddobaad ka hor kaga hadlay Shirkadda Fly Dubai oo joojisay Duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, wuxuu ku soo hadal-qaaday Shirkadda Daallo Airlines.