Madaxweynaha Somaliland oo safiir u magacaabay Kenya

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye u magacaabay wakiilka cusub ee Somaliland u joogi doona dalka Kenya, madaxweynaha ayaa sidoo kale, xilkii ka qaaday badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, waxaanu xilkaas u magacaabay Maxamed Aadan Cumar.

Xafiiska Somaliland ee Kenya ayaa muddo ku dhow laba bilood iyo badh ahaa bilaa wakiil, waxaana xilkaa si ku meel gaadh ah usii hayay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle, kadib markii wakiilkii hore ee Somaliland u joogi jiray Kenya Amb: Baashe Cawil Cumar oo xilkaa iska casilay 3 bishii September.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweynaha oo faah faahsan:-