Isbedelka siyaada Afrika wuxuu meesha ka saaraya sadex hogaamiye

Isbedelka Siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika wuxuu meesha ka saari doonaa saddex hogaamiye

1. Addis Ababa

Maalmaha soo socda waxa lagu waajahan yahay Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Gelitaanka magaalada waxa isu diyaarinaaya laba jabhadood kuwaas oo si xoogan isu diyaariyay, waxanay taageero dhaqaale iyo Milateri ka heleen dalka Masar. Xukumada Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ma haysato awood milateri oo ay Isaga caabiso ciidamada mucaaridka ee ku soo waajahan Addis Ababa. Maalmaha soo socda ayaynu eegi sida ay wax isu bedelan

2. Asmara

Abaabul xoogan ayaa ka socda dalka Eriteriya kuwaas oo ay wadaan jabhad mucaarid ah oo ay leeyihin qoomiyada Tigray ee degan dalka. Waxanay sugayaan inta Addis Ababa lagu kala baxaayo. Xaalada Asmara ayaa haatan kacsan iyada oo taageeradii laga joojiyay xukumada Madaxweyne Isiyas Afwerk. Taageerada ugu wayn wuxu is heli jiray dalka Isra’iil, hasa yeeshe Imika taageeradaasi way ka joogsatay. Waxana laga yaaba in Madaxweyne Isiyas uu raaco Isbedelka Siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika

3. Muqdisho

Inta aan la gaadhin dhamaystirka xubnaha Baarlamaanka Somaliya, waxa la saadaalinaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulo musharaxnimada Doorashada Madaxweynaha. Taasi waxay ku iman kartaa in culays caalamiya la saaro Farmaajo in uu ka hadho musharaxnimada oo aan laysla gaadhin Taandhada Afisyooni. Taasina waxay keenaysa in Madaxweyne Farmaajo uu raaco Isbedelka Siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika

Sanadkan 2021, wuxu noqon doona Sanadkii ugu saamaynta badna ee soo Mara Geeska Afrika sido kalena meesha ka saaray hogaamiyayaal badan oo xukunka hayay mudo dheer

La soco qaybta 2aad

WQ Jamaal Ibraahin Maxamed