“Waxa loo socdaa in la soo saaro kii inoogu wanaagsanaa ee Ummadda hoggaamin lahaa” Sheekh Siiro

Hargeysa(Berberanews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada iyo kuwa ka dambeeya, waxaanu Dadweynaha ugu baaqay inay Kaadhadhka Cod-bixinta qaataan, si buu yidhi uga qayb-qaataan Doorashada.
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Sababta Doorashada loo galayaa ay tahay in Ummaddu kala bedbaaddo, Dalkuna uu Nabad ahaado, Mustaqbalkana la rejaynayo in lagu gaadho Qof wanaagsan oo Ummadda Hoggaamiya.




Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ugu horreyn ka hadlaya dhibaatooyinka Dadka Muslimka Xilligan haysta ayaa yidhi “Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, waxa la beenin doonaa ka Runta sheegaya, midba midka uu ka been badan yahayna waxa la odhan doonaa waa kii Runta sheegayay, Qofka Aaminka ayaa la odhan doonaa waa Khaa’in, ka ugu khaa’insan ee Dan lagu fushanayana waxa la odhan doonaa waa kii Aaminkaa ahaa. Waxa Dadka Afhayeen u noqon doona Mid wax alaale iyo wax uu kala soocayaa aanu jirin oo wax la kala macaashayo aan ogayn ayaa Ummaddaa Muslimiinta ah Afhayeen u noqon doona, ayuu yidhi Rasuulku (CSW). Maanta maxaa Muslimiinta haysta, in Dadka jidhkooda loo isticmaalo (sida Isbeedh-baadhka) oo Qofkii oo nool la soo hor-joojiyo (Qofka Xubnihiisa u baahan), Masar baa ka mid ah, Jordan baa la mid ah (Dalalka waxaasi ka dhacayaan), waxay gaadheen in Ilmaha Muslimka ah isagoo nool la baayaco Kelyihiisa iyo Xubnaha kale ee Jidhkiisa.”
Sheekh Aadan-siiro waxa kale oo uu ka hadlay oo uu is-barbar dhigay sida Shacabka Somaliland u tiro-yar yihiin, haddana aanay isku ujeeddo iyo Hadaf ahayn, “Dadkeennii Is-diwaangeliyey markii la isku wada geeyay waxay noqdeen 1.2 Milyan (Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qof), Waayo? 4.5 Milyan Qof oo aynu nahay, waxna way maqan yihiin, waxna ma daynayaan (Diwaangelinta).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markii Indiya (aan joogay) ayaa Nin Macalin Jaamacadeed ahi noo keenay Nin Wadaad ah, Wadaadkii wuxuu yidhi Jaamacadda Cusmaaniya ayaan ka mid ahay Macalimiinta jooga, wuxuu yidhi Tirada Ardayda Jaamacadda Cusmaaniya waa 3 Boqol oo kun, markaa Dunida waxa ka jira Saddex boqol oo kun oo Qof ayaa meel keliya ka shaqeynaya ama Jaamacad tagaya, innaguna intii (4.5 Milyan) ayaynu leenahay yaanay wax wada yeelanin, oo aynu Magacyo iyo deegaanno ka sheekaynaynaa, adeer haddaynu Reer ka sheekaynayo waa gaar, laakiin haddaynu Dawlad ka sheekaynayno, Dawladnimadu waa wax ay wada leeyihiin Dadka Maanta jooga iyo ka dhalanayaa illaa Maalinta Qiyaamaha, taasaa ah Dawladnimada aynu wada doonayno.”
Sheekhu wuxuu farriin u diray Dadweynaha Reer Somaliland, “Dadka waxaanu u sheegaynaa inay Kaadhadhka qaataan (Kaadhadhka Cod-bixinta), inteena halkan (Masaajidka) joogta Qof wallowba waxaad tahay Farriin qaade, Annaguna Xisbi-na ma taageersanin, Xisbi-na kuma jirno, Ciddii doontaa ha soo baxdo, laakiin imika waxaanu leenahay Kaadhka hala qaato, Waayo? Nabadgalyadeennaa ku xidhan, Mustaqbalkeennaa ku xidhan, haddaad doonayso inaad soo saarto Wadaad ama Nin Aqoonyahan ah oo Dalkan wax ka qabta, oo Diin iyo dhaqan leh waxaad ku dooranaysaa Kaadhkaa, markaa si aynu taa u samaynno waa in Qof walba oo la diwaangeliyey kaadhka qaato. Waxa loo socdaa in Mustaqbalka la soo saaro kii inoogu wanaagsanaa ee Ummadda hoggaamin lahaa, waanna la iska gaadhi doonaa, laakiin imika qaabkan aynu Doorashada u galaynaa waa  labada Shar kee’baa fudud, labada dhibaato keebaa yar, markaa Doorashada Macnaheedu waa inaynu kala Nabadgalyo, Dalkuna Nabad ahaado Ciddii doontaa ha soo baxdee.”ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku soo Gebogabeeyay.