Wasiirka Ganacsiga Oo Masuuliyiinta Dawlada Ku Eedeeyey Inaanay Ku Kalsoonayn Lacagta Somaliland

Hargeysa-(Berberanews) —Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Dr Cumar Shucayb, ayaa  sheegay inaanu dalka ka jirin wax sicir-barar ahi, balse uu ka jiro sarrif barar iyo qiimihii lacagta waddanka oo hoos-u-dhac ku yimid.
Waxaannu tilmaamay in xaalado dhawr ah oo is biirsaday ay  sabab u yihiin kuwaasoo uu sheegay in ay culayskeeda leeyihiin isla markaana lagaga gudbi karo in dawlad, xisbiyo  iyo shicibba loo baahan yahay in siyaasad cad oo midaysan lagaga wada hawlgalo isla markaana wax badan la iska waydiiyo sida looga bixi karo sarrif bararka iyo qiimo dhaca shillinka Somaliland.

Waxa kaloo  uu ka hadlay socdaal shaqo  oo uu ku soo maray degmada Laasgeel ee gobolka Maroodijeex deegaanno ka tirsan oo ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo si wanaagsan uga socota deegaanadaas.
Wasiirka Ganacsigu wuxuu sidaas   ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka  ku siiyay Wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Dacar-budhuq ee degmada Laasgeel xalay.
Wasiirka  oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay kor u kaca sicir bararka iyo waxa uga qorshaysan ka Xukuumad ahaan, wuxuu  yidhi; “Horta sicir barar ma jiro oo dalka kama taagna, laakiin waxaa jira sarrif-barar oo ah in qiimihii Doolarkuna uu kor u kacay qiimihii lacagta shillinka Somaliland-na ay hoos u dhacday arrimo dhawr ah oo is biirsaday oo ina soo marayna saamayn wayn ayay nolosheenna ku yeesheen oo sidaynu uga gudubnay ee aynu uga nool nahay ayaaba mucjiso ah taasoo ku timi isku tiirsanaanta dadkeenna iyo istaakulaynta. Waxaa ina soo maray abaar baahsan oo duunyadii aynu dhaqanaynay intii badnayd ay innagaga baxday oo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ku caydhoobeen,waxaa inoo raacday xoolihii oo innaga xidhan oo aan dibed u dhoofayn,waxaa inoo saddexaysay sarrif barar baaxad wayn duruufahaas oo dhan markaad eegto waxay ku tusayaan dadka intaasoo dhammi ay isugu raacday ee aan lahayn wax soosaar ay dibed u dhoofiyaan ee haddana sidan farxadda ah u wada nool. Sarrif bararka waxyaabaha ugu waawayn ee hadda u sababta ah waxaa ka mid ah doolarkii dibedda innaga soo geli jiray  saddex meelood ayuu intiisa ugu badani uu ka iman jirtay  laba meelood oo ka mid ahi meesha way ka baxeen midkii saddexaadna wuu yaraaday, waxaa meesha ka baxday lacagtii xoolaha aynu dhoofin jirnay waxaa kale oo meesha ka baxday lacagtii mashaariicda hay’aduhu bixin jireen ee soo mari jirtay NGO-yada.
Waxa kaloo  aad u yaraatay lacagtii dadkeenna dibedda joogaa ay u soo diri jireen qoysaskooda oo dadkii waawaynaana wax daalay oo aan shaqo hayn iyo wax soo noqday ayay isugu jiraan dhallinyaraduna ma barako badna.”
Wasiirku wuxuu sheegay in xataa masuuliyiintii dawladdu aanay aaminsanayn lacagta dalka oo ay doolar ku bedashaan, waxaannu yidhi; “Markaa waxaa loo baahan yahay in tallaabooyin wax ku ool ah la wada qaado oo aynu horta ummad ahaan noqonno dad lacagtooda aaminsan oo ku kalsoon imika dhibaatooyinka ugu weyn waxaa ka mid ah dadkeenna oo lacagtoodii ka ordaya oo wasiirradii iyo masuuliyiintii hay’addaha dawladda ayaa markay qaataan lacagta Shillinka Somaliland markiiba suuqa la cararaya oo Dollar kusoo beddelanaya. ganacsigii hoose illaa kii sare ayaa doolar wada doonaya iskuuladeennii ayaa Doolar doonaya markaa ta ugu wayni waxay tahay horta ummaddu lacagtooda ha aaminaan.”
“Waxa loo  baahan yahay in aqoonyahanka ummadda, dawladda, asxaabta  in la isu yimaado oo daraasad rasmi ah lagu sameeyo sidii looga gudbi lahaa qiimo dhaca lacagteenna iyo in la iska daayo ama la yareeyo lacagta Doolarka ah ee mobilada lagu sito oo la iskugu  diro shillinka Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Wasiirka oo la waydiiyay  in ay jiraan qorsheyaal kor loogu qaadayo shillinka  Somaliland oo ay Xukuumaddu qaadayso,waxaannu yidhi;  “Haa dawladda xil ayaa arrintaa ka saran, sidaa daraadeed marnaba kamay fadhiisan tallaabooyin baddan oo hore oo ay qaadayna way jiraan, imikana culayska ugu weyn waxaannu ka xukuumad ahaan aanu saarnay sidii dawladda Boqortooyada Sucuudigu xayiraadda uga qaadi lahayd taasina meel fiican ayay maraysaa oo xidhiidho badan oo ay dawladdu dawladda Sucuudiga la samaysay iyo socdaallo ay ku tageen weftiyo heer wasiirro ah oo wasiirka Xannaanada Xooluhu ka mid ahaa waxaa ka soo baxay natiijooyin wanaagsan si dhakhso ahna xoolaha in ay xayiraadda ka qaadaan ayaan ku hawlanahay taasoo meesha ka saaraysa Doolar yaraanta dalka ka taagan.
Waxaa kaloo aan tijaarta u sheegayaa in aanay sidan u macaashayn faa’iidona aanay u helayn haddiii ay noqdaan soo dejiyeyaal keliya oo aan dalkooda maalgashan waxay tijaartu dalka keenaan waxyaabo badan oo lacag adagi kaga baxdo oo aan dalkana waxtar u lahayn iyo waxyaabo badan oo dalka laga soo saari karo oo maalgalin kooban ua baahan waxaanan tijaarta u sheegayaa in loo baahan yahay in ay iyagu qiimeeyaan shillinka Somaliland cidda dadka Doolarka ka doonaysa ee lacagtooda nacsiisay waa iyaga ee waa in ay si muwaadinnimo ku jirto u raadiyaan macaashdoonka ay yihiin.”
Ugu dambayn Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay socdaalka u ku soo maray deegaanno ka tirsan degmada Laasgeel;  “Degmada Laasgeel waxaa ka socda qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka waxaanan ku soo marnay socdaal wacyi galin ah dadka degmaduna aad ayay kaadhadhka u qaadanayeen oo hawshaasi si wanaagsan ayay uga socotay inkasta oo ay dadka ka muuqato diiftii abaarta oo ay dadka intooda badan oo xoolo dhaqato ahaa ay xoolihii ay ka bexeen hadana iyagoo xaalado nololeed oo dadka taabtay ay ku jiraan hadana aad ayay isu wacyigaliyeen oo ay u qaadanayeen kaadhadhka codbixiyaha.”ayuu yidhi  Wasiir Cumar Shucayb Maxamed