Dab kale oo ka kacay Dekedda Berbera

Berbera (Berberanews) –Habeen hore ayay ahayd markii uu dab ka kacay   barxada Wajaale oo ka mid ah dekada Berbera isla markaana la dhigo konteenarada .
weli wax faahfaahin ah lagama hayo    sababta uu dabkaasi u dhashey balse dabka ayaa ka kacay hal Koonteenar oo goobtaasi yeelay kaas oo  markii dembe lagu guulaystay in la bakhtiiyo.
   Ciidanka dabdamiska Dawlada Hoose ayaaa isla markiiba u gurmadey isla markaana bakhtiiyey dabkaas isaga oo aan wax khasaare ah geysan hase yeeshee muuqaallo sawirro ah oo  warbaahintu xalay heshay ayaa muujinaya baaxadda dabkaasi lahaa oo ololkiisu meel sare gaadhay.
Waa markii labaad ee muddo bil ah gudaheed uu dab ka kaco qeybo ka mid ah dekada Berbera balse ilaa hada lama aqoonsana sababta dabkaasi dhalineysa.