Qarax dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo gilgilay Muqdisho

Muqdisho(Berberanews):- Ugu yaraan 9 Ruux oo Shacab u badan, ayaa ku dhintay, 19 kale oo Masuuliyiini ka tirsan yihiinna way ku dhaawacmeen, Qarax gelinkii dambe ee Khamiistii maanta ka dhacay Saldhigga Booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasoo ay masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.
Qarax oo loo adeegsaday Gaadhi nooca Surf loo yaqaan ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey, ayaa lala beegsaday Saldhigga Booliska degmada Waabberi ee Muqdisho oo ah waddo Mashquul badan, isla markaana goob k dhaw uu Shir Masuuliyiinta dawladdu u fadhiyeen ka socday wakhtiga qaraxu dhacay, sida uu kusoo warramay Weriyaha VOA ee Muqdisho Axmed Xasan Colaad, oo ka ag dhawaa goobta Qaraxu uu ka dhacay.
Waxaa ka mid ah Masuuliyiinta ku dhaawacmay Qaraxaas Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Sheekh Maxamed Aw Libaax, kaas oo dhaawaciisa lagu dawaynayo mid ka mid ah Cusbitaallada Muqdisho, isla markaana waxay Dhakhaatiirta qaar sheegeen in dhaawiciisu culus yahay oo dhinaca Madaxa uu dhaawacu ka gaadhay, wakhtiganna Koomo ku jiro.
Baabuurka oo uu watay Qof aan weli la aqoonsan, ayaa la sheegay inuu ku leexiyey Saldhigga, ka dibna qaraxa uu dhacay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Haween badan oo marayey waddada iyo qaar ka mid ah Askartii ilaalada ka ahayd Saldhigga Booliska. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay-ba, waxay u badan yihiin Dad Shacab ah.
Shir ka socday goob ku dhaw Saldhigga la qarxiyey, ayey Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka, sida Wasiirro, Taliyeyaasha Ciidammada iyo Hay’adaha kale ee Amniga Soomaaliya ku guda-jireen marka Qaraxu dhacay, kaas oo la sheegay in lagaga arrinsanayey arrimaha nabadgelyada Caasimadda, iyada oo Al-Shabaab toddobaadyadan dambe laban-laabtay weerarrada Qaraxyada ah ee ay ka fulinayso gudaha magaalada Muqdisho.