” DP World waa sida Shirkad Jaad oo kale..” Cabdikariin Axmed Mooge

Hargeysa(Berberanews):- Cabdikariin Axmed Mooge oo Xilalka Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Qorshaynta ka soo qabtay Somaliland intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay, ayaa falan-qeeyey nidaamka ay Shirkadda DP World u Maamusho Lacagaha ka soo Xarooda Dekedda magaalada Berbera oo horraantii May 2017 si rasmi ah loogu wareejiyey Maamulkeeda.

Cabdikariim Axmed Mooge oo qoraal uu kaga hadlayo halka lagu Keydiyo Lacagta ka soo baxda Dekedda Berbera iyo qaabka ay Dawladda Somaliland u isticmaasho ku baahiyey Boggiisa uu ku leeyahay Shabakadda Kulanka Bulshada ee Facebook, waxaanu ku faahfaahiyey xogo badi Bulshada ka dahsoon iyo nidaamka Maamul ee Shirkadda DP World ku maamusho Dekedda Berbera. Waxaanu Cabdikariin Qoraalkiisu u dhignaa sidatan:-
“DP World Lacagta ka soo Xaroota Dekedda Berbara, (Somaliland Deeq) kuma keydsadaan Baanka Somaliland, waxanay u muuqata in Bangiga Berbera oo lagu keydin jiray lacagta ka soo xaroota Dekadda in laga guuray iyaga oo uga wareegay Baanan madax-bannaan. Isla marka ay Lacagtaasi ku dhacdo Baanka gaarka loo leeyahay waxa ay ka qataan accountka ay kaga leeyihiin Dubai, iyaga oo ku kaydsada Baananka ay iyagu aamminsan yihiin.
Halkan waxa isu kay qaban’la in shirkaddan aynu ku aammiinnay wixii ugu qalisanaa dalkeenna in laga yeello in ay Banaankeenna ka dhigto meel aanay lacagta dhigan karin waliba ku darsoo lacagataas ay innagu aammini la’yihiin waa lacagteennii ka soo baxday Dekaddeenna Somaliland Deeq!
Waxa taas ka sii daran qaabkan ay u maamulayaan lacagta ka soo xaroota Dekadeenu waxay qayb ka tahay dolar-barar iyo ashcaarta qaali garowday wadankeena, waxaana taas daliil u ah DP World waa sida Shirkad Jaad oo kale waayo habeenkii marka gabalku dhaco waa in lacagta ku soo gasha shilingka Somaliland loogu badalaa dollor! waana sabab kale oo dolorku kor ugu kacay wadankeenan Somaliland.
Sidoo kale, Baanka Dhexe ee Somaliland isha ugu weyn ee uu ka heli jiray lacagta adag waxay ahayd Dekadda Berbara, lacagata ugu badan ee lagu kaydin jirayna waxay ahayd lacagta ka soo xaroota Dekadda, lacagtaasi maanta waxay taal Baanan ku yaal Dubai.
Ma ogtahay in lacagta adag ee ay ka qabtaan Dekaddeenna iyaga oo aan wali wax maalgashi ah ku samayn Dekadeenna in ay dhantahay 3 Milyan oo Doollar bishii oo aanay ku jirin lacagta ay ku qabtaan Shillinka/SL. Tani waxay ku tusaysaa in haddii Dekeddeenna innaga oo aan wareejin aynu maamulkeeda hagajisan lahayn oo musaqa la dagaallami lahayn in lacag badan oo aan cidna innala lahayn ay ka soo xeroon lahayd.
Sida ku cad heshiiska la qariyey ee DP World iyo Somaliland, DP World waxay xaq u leedahay in ay kordhin karto lacagaha ay qaaddo! Marka qudha ee Somaliland ka hor iman kartaa kordhinta lacagaha la qaado waa marka DP World ay hal Doollar dhaafiso lacagaha ay qadaan Dekedaha jaarku. Kordhin kasta oo DP World samaysaa waa culays ku soo kordhaya ummaddan marka hore-ba iska dhibbanayd.
Sidoo kale, ka dib markii ganacsatada yaryari ku dawakhday sida DP World wax u waddo Bagaashkoodi waxay ula waregeen Dekedaha yaryar; sida Saylac, qaarna waxa la sheegayaa in ay xaggaa iyo Bosaaso quud-daraynayaan in ay Bagaashkooda kala soo degaan.
Waxa sidoo kale laga rabaa dawladdu marka ay la soo degto qalab in ay bixiso lacagaha la qaado, waxaanay taasi soo shaac-baxday markii dhawaan qalab u yimi waddada Ceerigaabo, uu in muddo ah ku xanibnaa Dekedda Berbara, illaa Madaxweynuhu codsi u qoray DP World.
Tan aad baryaysaa waa Dekeddaadii Somaliland Deeq hadda! Waxaana igu maqaalo ah in ay reeban tahay in qalab Ciidan ka soo degi karo Dekedda maaddaama oo DP World ay u hoggaansan tahay Cuno-qabateynta Hubka ee saaran Dhulkii laysku odhan jiray Soomaaliya.
Sidaas darteet, iyada oo cabsi ka qabta in qolooyinka dabagalka Hubku in ay Warbixin ka qoraan, wax Hub ah Somaliland kalama soo degi karto Dekeddeeda! Markaa haddii Somaliland Hub ula soo degayso Ciidankeeda xitaa uma Madax-bannaana Dekeddii ay lahayd! ALLA MAXAA XOG KAA DAHSOON SHACABYAHOW HURDAA!..” Sidaa ayuu Qoraalkiisa ku yidhi Cabdikiim Axmed Mooge.