Boqorka Sucuudiga oo bedelay dhaxal-sugihii Boqortooyada

Saudi-(Berberanews)-Boqorka Sucuudi Arabia, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa maanta oo Arbaca ah wiilkiisa Mohammed bin Salman u magacaabay dhaxal-sugaha Boqortooyada Dalkaas.

Boqorku wuxuu sammeeyay isbedel uu xilka kaga qaaday Mohammed bin Nayef, oo ahaa dhaxalsugigii Boqortooyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo iyana uu ku waayay go’aankan cusub ee ka soo baxay Boqorka.
sida ay sheegtay Wakaallada Wararka ee Sucuudiga, Mohammed bin Salman Bin Cabdul Casiis oo da’diisu tahay 31jir wuxuu sii hayn doona xilkiisii gaashaandhigga, ayaa sidoo kale loo magacaabay ku xigeenka Raysal-wasaaraha.
Isebellada uu sammeeyay Boqorka Sucuudiga ayaa ku soo beegmay xilli xiisad siyaasadeed oo soo foodsaartay Sucuudiga oo xidhiidhkii u gooyay Qatar dalal kalena ku raaceen, halka quwado kalena taageereen dhanka Qatar iyo Sucuudiga oo muddo laba sannadood ah dagaal kula jira Kooxaha Yemen ee Iran taageerto.