Xulafada Maraykanka oo toogtay diyaarad ciidammada Syria leeyahay-Warbixin

Syria-(Berberanews)-Diyaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay ayaa gantaal la heshay mid ka mid ah diyaaradaha dalka Suuriya, ka dib markii sida xulafadu sheegeen ay diyaaradda Syria duqayn bambooyin ah ku riday kooxo maleeshiyaad ah oo garabsada Xulafada deegaanka Raqa.
Dawladda Syria, ayaa eedayn u soo jeedisay tallaabada Ciidammada Maraykanku fuliyeen, waxaanay sheegtay  in dhacdadani ay “cawaaqib xun” ku reebi doonto dadaalladii lagula dagaalamayay argagixisada.
Labo saac ka hor marka diyaaraddan la soo riday Maraykanku wuxuu sheegay in ciidammo daacad u ah madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ay weerareen dagaalameyaasha jabhadda SDF iyadoo tiro ka dhaawacay kana saaray magaalada Ja’Din.
Warbixin Pentagon-ka ka soo baxday ayaa lagu sheegay “inaan xulafadu raadsan inay la dagaallamaan Syria ama ciidammada taabacsan ee Rusia, laakiin aanay ka gaabinayn inay  isbahaysigooda ka difaacaan khatar kasta.”
Wasiirka Arrimaha Debedda ee Ruushka, Sergei Lavrov oo dhacdadan ka hadlay, ayaa sheegay inay muhiim tahay tixgelinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Suuriya, “Dhammaan waddamadu waa inay si buuxda u tixgeliyaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Syria”