Guddiga  Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray hannaanka kala horraynta tartanka xisbiyada

Hargeysa(Berberanews):-Guddiga  Doorashooyinka Qaranka Somaliland,ayaa ku dhawaaqay hannaanka kala horraynta ololaha doorashada Madaxtooyada ee saddexda xisbi Qaran ee dalka iyo habka loo qorayo astaamaha doorashada lagu gelayo ee asxaabta qaranka.
Kulan ay gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland iyo wada qaateen masuuliyiinta sadexda Xisbi qaran,ayaa la iskula qaatay qaabka ay sadexda Xisbi qaran ugu kala horraynayaan ololaha doorashada Madaxtooyada.
Waxaanay Xisbiyadu ololaha ugu kala horraynayaan Xisbiga UCID oo ka koobaad ah ka labaad oo KULMIYE ah iyo WADDANI oo kaalinta sadexaad ku jira.
Warqad qotraal ah oo ka soo baxday gudiga Doorashooyinka qaranka  oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan iyo Guddoomiyeyaasha UCID Faysal Cali Waraabe KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Jirde oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay,ayaa u dhignayd sidan.