Saif Al-Islam: Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Libya oo xabsiga laga sii daayay

Libya-(Berberanews)-Saif al-Islam Qaddafi, wiilka hoggaamiyihii la afgembiyay ee Liibiya Mucammar Al=qaddaafi, ayaa laga sii daayay xabsi ku yaal dalkaas, sida ay sheegeen koox dagaalyahanno ah oo xukunta Gobolka Zintan.
 
Warbixin qoraal ah oo ay soo saareen Guutada lagu magacaabo Abubakar Sidiiq oo ah malleeshiyo gacanta ku haysa Gobolka Buuralayda ah ee Zintan oo Waqooyi galbeed ka xiga Tripoli, ayaa lagu sheegay in Said Al Islam la sii daayay xilli dambe oo sabtidii shalay ah.
Saif Al-Islam, oo  da’diisu tahay 44 jir, aya lagu qabtay Gobolka Zintan November 2011, markaasoo uu doonayay inuu u baxo dalka ay jaarka yihiin ee Niger, ka dib markii xoogaga mucaaridku qabsadeen Tripoli.
Saif al-Islam,oo ahaa wiilkaugu caansan sideedii wiil ee Qaddaadi iyo saraakiil kale oo xukunkii Qaddaafi ka mid ahaa, ayaa Maxkamad ku taalla Tripoli ku xukuntay dil toogasho ah Bishii Julay ee sannadkii 2015.
Said Al-Islam waxaa raadinaysa Maxkamadda Dembiyada Dagaalka oo ku eedaynaysa dembiyo dagaal iyo kuwo   Bini’aadamka.