Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab oo dagaal ku dhex maray Jannaale

Ciidamada dawladda iyo kuwa hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka hawlgalo ka sameeyay deegaanada Janaale iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadu markii ay halkaasi tageen waxa ay la kulmeen qaraxyo waxaanay isku dhaceen ciidamada Al-Shabaab ee aaggagaasi gacanta kuhaya.
Lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadyadaasi dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo unugyo ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada isbahaysanaya ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay saldhigaydii ay ka duuleen ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in hadda xaaladdu dagantahay.
Xigasho Bbc Somali