Real Madrid oo markii 12-aad qaadday Champions League-ga

Kooxda Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee difaacato koobka horyaalada Yurub ee Champions League-ga kaddib markii ay afar iyo hal uga badisay kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Juventus.

Ciyaartan oo ka dhacay magaalada Cardif ayaa labadani kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, iyadoo qaybtii hore lagu kala nastay hal iyo hal.
Real Madrid ayaa goolka ku hormaray waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo. Balse waxaa goolka barbar dhaca u dhaliyay Juventus ciyaaryahanka Mario Mandzukic oo goolkiisa lagu tilmaamay in uu ka mid ahaa goolasha ugu quxurda badan ee ciyaaraha kama dambeysta ee tartankaasi.
Kooxda Juventus ayaa qaybta labaad ee ciyaarta waxa ay noqotay mid kala daadsan, waxaana arrintaa ka faa’iideystay kooxda Real Madrid oo ay u suuragashay in ay dhaliso saddex gool oo dheeraad ah.
Mid ka mid ah goolashaasi waxaa kooxda Real Madrid uu dhaliyay Ronaldo oo xalay ahaa laacibka ugu wanaagsan ee kulankaasi.
Kooxda macalinka u yahay Zidan ayaa sidaa ku difaacatay koobkan oo ay isala sanadkii hore ku guuleysatay.
Xigasho Bbc