Agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka oo iscasilay

Agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka, Mike Dubke, ayaa xilkaasi iska casilay saddex bilood kaddib markii jagadaasi loo dhiibay.

Mike Dubke oo ah khabiir xisbiga Jamhuuriga u qaabilsanaan jiray dhanka qorsheynta ayaa saddex bilood ka hor xilkaasi loo magacaabay si uu u boorka uga jafo qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad.
Xoghayaha qaybta warfaafinta ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa lagu soo waramayaa in uu xilkaasi sii qabanayo balse la yareyn doono shirarka jaraa’id ee lagu qabto madaxtooyada.
Arrintan ayaa ku soo beegmayso xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in jahawareer xoggan uu ka dhex jiro kooxda Aqalka Cad u qaabilsan warfaafinta.
Dubke ayaa istiqaaladiisa soo gudbiyay 18-kii bishan balse waxaa laga codsaday in uu xilka sii hayo tan iyo inta madaxweyne Trump uu ka soo afjarayo booqashadii uu ku marayay Bariga Dhexe iyo Yurub.
Xigasho Bbc