Madaxweyne Siillaanyo Oo Dhagax-dhigay Dhaam-biyoodkii U Horeeyay Ee Mashaariicda Xukuumadda Ugu Tallogashay Xuska 18 May (SAWIRRO)

(Berbera news) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta dhagax dhigay Ceelkii ugu horeeyey ee hormoodka u ahaa Mashaariicda Xukuumadda Somaliland ugu tallogashay Xuska 18 May.

Ceelkan oo ku yaala Maqaaxida Inanta (God-Gal), waxa uu madaxweyne Siilaanyo munaasibaddii dhagax dhiga ka sheegay in uu bar bilow u yahay Qorshaha isku tashiga ee mashaariicda Horumarineed ee Qaranka Somaliland go’aansaday in loogu bedelo munaasibada 18 ka May.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku Duceeyey Ceelkaas oo uu ilaahay ka baryey in uu noqdo mid dadka deegaanku ka faa’iidaystaan, isagoo ku hambalyeeyey dhalinyaro Mutadawiciin ah oo ku deeqay $12,000 oo ku baxaya Ceelkaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Hambalyeeyey Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelco oo ku deeqay Qalabka Ceelkaas lagu qodayo, oo uu keenay goobta dhagaxa la dhigay, isla maantana bilaabay dhismihiisa.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maayar C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, oo iyana ka hadlay goobta ceelka laga qodayo ayaa umadda ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan kana dhabeeyaan qorshaha Qaran ee bulshadu isla qaadatay inay kaga baxdo baahida Abaaraha eek u habsatay Somaliland..

Dhalinyarada Mutadawiciinta ah ayaa iyana dhinacooda uga mahad naqay masuuliyiinta Qaranka qorshahan ay shacabka hormoodka ugu yihiin.

Berbera news.