Duqii Degmada Xariirad oo daad qaaday iyo xubno Wasiir ka mid yahay oo dirqi laggu badbaadiyay

Qul-ujeed(Berberanews):- Allaah ha u naxariistee Duqii degmada Xariirad ee oo ka tirsan gobolka Selel Abbokor Xasan Guuleed, ayuu Galabta Daad ku qaaday meel u dhaxaysa deegaannada Qul-u-jeed iyo Boon, waxaana la badbaadiyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waabberi Rooble, Darawalkii labada Masuul gaadhiga u waday iyo Askari ilaalo u ahaa.
Roob ka da’ay deegaannadaas gelinkii dambe ee Maanta, ayaa la sheegay inuu Biyo badan ka soo rogay Dooxyada deegaannadaas, isla markaana uu la tegay Gaadhi ay wateen oo ka tegay galabta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyaga oo u sii jeeday marka Daadku qaaday dhinaca degmada Xariirad.
Dadka deegaanka oo u gurmaday Gaadhiga Maayerka Xariirad, Wasiirka iyo labada Xubnood saarnaayeen markii Daadku qaaday, ayaa ku guulaystay inay badbaadiyaan Wasiirka Ciyaaraha, Darawalkii Gaadhigaa waday iyo Askariga ilaalada u ahaa, balse waxay ku guulaysan waayeen inay badbaadiyaan Duqii degmada Xariirad Abbokor Xasan Guuleed oo Mawjadda Biyuhu markiiba isaga la tagtay, waxaana la soo helay Meydka Marxuumka Allaah ha u naxariistee.
Meydka Marxuumka iyo Xubnaha Wasiirku ku jiro ee la badbaadiyey, ayaa caawa la geeyey degmada Xariirad ee ay markii horeba ku sii socdeen. War uu Horn Cable TV ka diyaariyey dhibaatada la kulantay Safarkaas ee sahayatay Maayerkii Xariirad, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho habboon:-