Wefti ka socda Ruushka oo Somaliland yimi

Hargeysa-(Berberanews)-Wafdi dibloomaasiyiin ka socday safaaradda dawladda Ruushka ee Jabuuti oo uu hogaaminaayo safiir xigeenka safaaradaasi Yuuri Koroshikov ayaa booqasho laba maalmood ah ku tegay Jamhuuriyadda Somaliland.
War rasmi ah kama soo saarin Somaliland wafdigan Ruushka, laakiin Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, u sheegtay in wafdiga Ruushku booqasho aan rasmi ahayn ku yimaadeen Somaliland.
Waxay la kulmeen wafdigu Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Sacad Cali shire, iyagoo socdaal ku tegay goobihii uu dhisay Ruushku ee milateriga iyo rayidkaba ee magaalada Berbera.