Labada Siyaasi ee Marin habaabay WQ Buuni Cabdi Abiib

Waxaa  marba  marka  ka  danbeeya  soo  baxayay  Siyaasiyiin  faro  ku  tiris  ah  oo  ka  leexday  nidaamkii siyaasadeed  ee Somaliland  ay  kusoo  caano  maashay,  kuwaas  oo  habeen iyo maalinba heegan ugu jira sidey u hori marin lahaayeen danahooda gaar ahaneed, iyagoo gees maraya wixii umadu usoo dooratey ee ah iney ka shaqeeyaan danaha ummada ay masuulka ka yihiin ee ay xilka u hayaan taasi oo sumcad xumo ku ah magaalooyinka ay kasoo jeedaan.
Ma aanu aheyn markii ugu horreysay ee Qarankeena ay ka qabsoonto doorashooyinka Dawladaha hoose sanadkii 2012kii, mana noqon doonto markii u danbaysay ee doorasho noocan oo kale ahi ay dalkeena ka dhacdo, waxaa hubaal ah in dad-weynaha reer Somaliland  ay yihiin dad waayo arag u ah oo fahamsan nidaamka dimuqraadiga ah ee  dalkeena ka hirgalay iyo sida muwaadin kastaa uu xaq ugu leeyahay inuu  codkiisa  siiyo  qofka  ama  Ururka  uu  u  arko  inuu  qarankiisa  horumar  gaadhsiin  karo,  waxa  kale  oo  dadweynaha  reer  gabiley iyo Berberaba  ay  ogsoon yihiin iyaga oo aan cidnaba ka yeelli doonin inay dhibaato u geysto kalsoonida ay u qabaan xisigey wateen ee laga yaabo in uu sobota ugu badan isaagu lahaa una badan tahey sidaas, lakin aanu muhiimada ugu badan aanu laheyn shaqsiga helay codko. Sidaa darteed qofka wax dooranayey uu eegayey xisbiga uu ku qanco istaraajiyadiisa, kadibna uu raadinayey qofkii uu ku qanci lahaa sifaduu doono ama dhinicuu doonoba haka istaaagee,  waxa uu  muwaadin  kastaa  uu  codkiisa  u dhiibtey si xor ah oo xalaal ah,
Siyaasiyiintaa marin habaabey Waxaa wax laga xumaado ah in xubno siyaasiyiin sheeganaya oo xataa  qaarkood  ay  hormuud  ka  yihiin  Ururrada  tartamaya sidoo kaleh ay yihiin masuulo xil qaran haya, xilalkasi oo ah kuwii ugu sareeyey ee heer gobol yeesho, in    ay  ololahoodii  ay gees mareen oo xisbigoodii ay xagal daaciyeen yadoon jirin sobob alleh sobob ku kalifeysaa arinkan.
Waxa wax iska caadi ah noqotey in marka wakhtiga ololuhu soo dhawaado ay soo baxaan siyaasiyin badan oo daneystayaal ahi, oo ay ka baxaan xisbigoodii kadibna ay ku biiran ururka ama xisbiga ay u arkaan inuu noqon doono kan ku guuleysanaya talada dalka si ay marlabaad xilkii usii hayaan oo xil uga helaan, waana tan ugu horeysa ee carqalada ku ah horumarka Somaliland arigtideyda waayo ninka dawladii dhacdey ka hayey xil ee hadana tan marlabaad xil ka qabtey ma kula tahey inuu keenayo isbadal, jawaabtu waa maya sobobtoo ah fikirkiisu waa kii hore sidoo kaleh waxa’ba suurta gala ah in aanu wax cusub keeni karin madaama uu hore intii uu hayeyba u isticmaley si uu isku soo saaro.
Waxaan aad uga xumahey in labada masuul ee kala ah MAAYIR AAMIIN CUMAR DHEERE “gabiley” iyo MAAYIR CIDIN “berbera” ay noqdaan abid inta tarikhda ku suntan labada masuul ee lagu xasuusan doono taariikh xumo iyo maangaabnimo cad oo keentey iney gaf ka galaan xisbi qaran oo ka mudnaa taageero iyo olole baladhan oo ay la garab galaan.
Waxaan ku taageersanahey xisbiga “UCID”  iyo hogaamiyihiisa MUDANE FAYSAL CALI WARABE in uu dacweeyo, waxanan rajeynayaa inuu qaban doono sharciga u yaala Somaliland oo ay xataa waayi doonaan xubinimada xisbiga labadaa masuul.
Siyaasiyinta waxa ugu liita hoos u jeedka cadowga la cataaba, ee godihiiisa ceeb iyo dhaliil kula caweynaaya.
WQ. Mufkr buuni cabdi abiib
buunicabdi@gmail.com
Contact:0633560108