Abwaan Xasan Qawdhan Tiir Dhexaad Ka Baxay Afka Iyo Dhaqanka Soomaalida

(Berbera news) ALLE  ha u naxariistee waxa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla dalka Sweden Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo  ka mid ahaa abwaannada foolaadka ah ee Fanka Soomaalida  halkaas oo uu muddo ku xanuunsanayay.

ALLE ha u naxariistee Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf ayaa ka mid ahaa abwaannada loogu jecel yahay suugaanta iyo riwaayadaha ay curiyaan  waxaanu abwaanku  ka mid ahaa abwaanadii iyo waxgaradkii ka soo qaybqaatay dib u dhiska Somaliland iyo nabadayntii beelaha iyo hirgalintii hannaanka dawladnimo ka dib markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Abwaan Xasan Qawdhan,  waxaa uu ku dhashay deegaanka Isku dar oo ka tirsan degmada gobolka Saaxil ku sinnaan 1946-dii, sida uu wargeyska Dawan u xaqiijiyay Agaasimaha waaxda fanka ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland,  Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi yare).

Abwaan Xasan Qawdhan waxaa uu dugsi quraanka ka galay magaalada Hargeysa oo uu ku barbaaray waxaanu isagoo wiil dhallinyaro ah u shaqeeyay Maxmiyaddii Ingiriiska oo uu u shaqaynayay illaa markii ay Somaliland xorriyadda  ka qaadatay waxaanu si fiican ugu hadli jiray luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga oo waliba cariga waanu qori jiray oo suugaantiisa carabi ayuu ku qori jiray.

ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf wuxuu noqday abwaan aan ku shaqaysan fanka isla markaana aan Fannaaniinta aan ku dhex jirin laakiin iskii si madax bannaan u shaqaysta isla markaana riwaayadishiisa iyo heesihiisa  ay u tartamaan fannaaniintii Soomaalida ugu caansadaa uguna waawaynaa waxaana ka mid ahaa fannaaniintaas Maxamed Mooge ALLE ha u naxariiste Muuse Ismaaciil Galinle,Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal,Axmed Mooge Liibaan, Sahra Axmed Jaamac iyo  Sahra Cali Xasan Ikraan Jaamac iyo fannaanin kale oo badan.

ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Xasan Qawdhan waxaa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee shicib ah ee   ay xidhaan askartii inqilaabka ku qabsatay dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya iyagoo sabab uga dhigay in uu  ka soo hor jeeday inqilaabka taasoo ay sabab uga dhigeen riwaayad uu curiyay oo isla habeenka inqilaabku dhacay lagu  dhigay Muqdisho riwaayaddaas oo la odhan jiray ANOO WAALAN WAAGU II BERI,waxaanay  ku eedeeyeen in uu ka soo hor jeeday inqilaabka oo uu  leeyahay inqilaabku waa waali waagu innoogu  beryay.

Waxaa kale oo uu curiyay Riwaayadaha ay ka mid ahaayeen NINNA WAAL NINNA WAANI CAASHAQU, WAR MAHAYSIDE ADDUUN WAA WEGER,CALAF WAAYAY NASIIB,GAR ADKAATAY IYO NINBA GOGOSHII,

Intaasi waxay ka mid ahaayeen riwaayadaha la dhigay waxaa  kale oo jira riwaayado u qornaa oo aan wali la soo bandhigin.

Waxaa kale oo uu qayb libaax ka soo qaatay walaalaynta beelaha Somliland iyo nabadayntii dadka walaalaha ah isagoo naftiisa iyo maalkiisaba u huray dib u dhiska qaranka Somaliland.

Marxuum Abwaan Xasan Qawdhan ayaa ifka kaga tegay 9 ubad ah oo uu dhalay oo wiilal iyo Gabdho,ba isugu jira iyo tafiirta ay sii dhaleen oo caalamka meelo badan  kala jooga. ALLE ha u naxariistee wuxuu ahaa abwaan dhaqan yaqaan ah  oo  bulshaawi ah oo gacan furan isu soo dhawaynta iyo walaalaynta dadka aad ugu dedaala oo jecel wax wada cunka waxaanu can ku ahaa cidaabo badnaan iyo ALLE ka cabsi waxaanau ahaa qof og in ay imanayso maalintan uu xijaabtay oo kale oo aakhiradiisa aanu adduun ka mashquulin.

ALLE ha u naxariisto Marxuum Abwaan Xasan Qawdahn Yuusuf qoyskii,qaraabadii ehelkii iyo qaranka Somaliland ee uu  ka baxayna alle Samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo Aamiin.

Berbera news.