Loollanka Loogu Jiro Kursiga Guddoomiye Cirro Ee Wakiilada Oo Bilaabmay Iyo Xildhibaanada Guclaha Ugu Jira

 (Berbera news) Waxa maalmihii u danbeeyey soo ifbaxayey dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhex istaadhmay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kuna astaysan mansabka Guddoomiyaha Golaha  Wakiillada oo lagu wado inuu dhawaan bannayn doono Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Tartanka mansabkan loogu jiro oo ay intiisa badan isku garbinayaan mudaneyaasha kasoo jeeda gobollada bariga dalka oo badhi-taar ka helaya xukuumadda, ayaa si weyn looga dareemayaa golaha dhexdiisa, waxana jira xubno iyagu horeba u muujiyey inay kursigan u socdaan, isla markaana loollan adag ku jira.

Xogaha ayaa waxay sheegayaan in xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ay dabada ka riixayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada kuwaas oo ay ku badhitaarayaan sidii ay ugu ruqaasan lahaayeen mansabka gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ee uu banaynayo mudane Cabdiraxmaan Cirro,waxaana Labada xildhibaan ee xukuumaddu wadato isla markaana ay doonayso inuu midkood ku guulayso gudoomiyaha galaha wakiiladu ay kala yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee wakiillada Md.Baashe Maxamed Faarax iyo waliba Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore kuwaas oo labadooduba kasoo jeeda gobolka Sool,waxaana ay xukuumaddu arrinkan u samaynaysaa sida la sheegay sidii ay usoo xero galin lahayd bulshada gobolka Sool oo tabashooyin  badan tirsanaya iyo waliba sidi ay gacanta ugu dhigi lahayeen ka muxaafad ahaan gudoomiyaha golaha wakiilada.

Sidoo kalena xildhibaanada mucaaradka ah ee ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa iyaguna waxa xoguhu tibaaxayaan inay wataan xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo isaga laftiisu kasoo jeeda gobolka Sool kaas oo ay doonayaan inuu buuxiyo mansabka gudoomiye Cirro dabadii.

Sidoo kalena waxa wararku intaa ku darayaan in booska gudoomiye ku xigeenka wakiilada isna loo wado Xildhibaan Axmed Yaasiin sheikh Cali Ayaanle halka gudoomiye ku xigeenka Saddexaadna loo wado Xildhibaan Siciid Cilmo Rooble oo isagu xisbiga WADDANI ku abtirsada.

Labada mudane ee kasoo jeeda gobolka Sool ee kala ah Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo weliba Baashe Maxamed Faarax, ayaa lagtoodu xafiiltan xooggan oo dhexdooda ah ku jira, waxana la arkayaa Mudane Koore oo isagu dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo kursigan ku hananayo wado, inkasta oo hankiisa ay ka horrayso in marka hore laga takhaluso guddoomiye-kuxigeenka waqtigan oo ay isku deegaan kasoo jeedaan.

Gudoomiye Baashe oo isagu fursada wanaagsan haysta, ayaa la arkayey isaga oo shirinaya inta badan mudaneyaasha ay isku deegaanka yihiin, waxana uu isu arkaa nina xilkaas ugu habboon, maadaama oo uu muddo dheer shirguddoonka kusoo jirey oo halkaas khibrad badan ka helay.

Xisbiga WADDANI isagu kursiga guddoomiyaha wax rajo ah oo dambe kama qabo, mana jiro wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ay mudaneyaashiisu ugu jiraan kursigan, balse waxa la filayaa inay taageeri doonaan cidda kale ee ay u arkaan inuu ku haboon yahay oo dabcan noqon doonta uun mudane kasoo jeeda xisbiga KULMIYE.

Berbera news.

Source Wargeyska Hubaal