Kuuriyada Waqooyi oo awood ku soo bandhigtay dagaaldegga 105 guurada aas-aaskooda

Kuuriyada waqooyi ayaa ku soo bandhigtay awooddeeda military oo aad u weyn, oo uu ka dhex muuqday Gujis cusub oo xambaara Gantaalada balastikada.
Dhoolatuska ayaa waxaa loogu dabaaldegayay 105 guurada asaasihii Kuuriyada Waqooyi Kim Il-sung, oo awow u ah wiilka hadda ka taliya dalkaasi ee Kim Jong-un.
Gantaalaaha ayaa socod lagu marsiiyey xaflad ka dhacday magaalada caasimada ah ee Pyongyang, iyadoo uu daawanayey hogaamiyaha xukunka leader Kim Jong-un oo uu awoowe u yahay madaxeynihii ugu horreeyey.
Bandhigan wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay kordhayso xiisadda ka aloosan gacanta, xukuumadda Pyongyang waxay mar kale uga digtay Mareykanka in uu joojiyo wax ay ugu yeertay daandaansiga iyo dhaqdhaqaaaqyada taxadar la’aanta ah , waxay ku bixisay digniin inay ku jawaabto duqayn halaag ah.
Mareykanka wuxuu u diray gacanka Kuuriyada raxan maraakiib ah oo uu ka mid yahay USS Carl Vinson, waxaana Waqooyiga Kuuriya ay ku hanjabtay inay dagaal Niyukliyeer la geli doonto Waqooyiga Kuuriya.

https://www.youtube.com/watch?v=duc8N8_G7Zs