“Beesha Caalamku, Markay Dadku Dhintaan Ayey Mucaawimada Keenaan” Md. Baashe Maxamed Faarax

(Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay abaarta dalka ka jirta iyo siday Beesha Caalamku uga gaabisay ka qayb qaadashada gurmadka abaaraha.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo Xafiiskiisa ay ugu yimaadeen qaar ka mid ah jimciyadaha iyo ururada dalka, oo iyagu ka soo qayb qaatay gurmadka abaaraha, ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Aad baan ugu faraxsan nahay inaynu kulano, dhibaatada jirtaa waa dhibaato weyn oo la wada og yahay, dawladduna waxba hagran mayso ee dhaqaalaheena ayaa sidaas ah, Beesha Caalamkuna markay dadku dhintaan ayey mucaawimada keenaan, inta horenaa ma keenaan, intaas waa loo qaylinayey, waxay keeneen wey yar tahay, dadkeenuna waa reer guura, oo wey filiqsan yihiin, oo dad meel ku urursan maaha, waxaana loo baahan yahay Hay’adda maxaliga ah ama kuwa kale in la isku tago oo la qaybsado sida loogu gurmanayo dadka ay abaartu hayso, ma meelana wey ku badanaysa meelana lama tagayo, markaas in inta la isku yimaado, oo qolaba aag lagu ogaado, weeye, muwaacimada dalka soo galaysa cid kasta ha keente waa in la isku geeyo, oo Hay’ad kasta la yidhaahdo halkaas adigaa ka qaybinaya weeye, laakiin haddii la is daba yaaco, meel ay ku badato meelna la waayo waa dhibaato, muwaacimo badana waa la keenay, haddana meel kasta waa laga soo qaylinayaa, oo waxay leeyihiin waxba nagamay soo gaadhin, intiina ka qayb gashay gurmadka aad baan idinku mahadcelinayaa, walina wax inagu filan may hayno, ILLAAHAY ayaan baa wax ina gaadhsiin kara.”

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Dhibaato kale ayaa soo korodhay, abaar kale oo sicir barar la yidhaahdo ayaa timid, oo dollarkii ayaa sare u kacsan.”

Berbera news.