AMINA WERIS OO BURBURISAY HOYGII GUDUUDO CARWO

Hooyadii Fanka ummadda Soomaaliyeed Shamis Abokr Guduuda Carwo oo ku nool magaalada Hargeysa, isla markaana ay gabow iyo xanuuno haleelaan, ayaa shalay waxa lagu soo qaaday Guriga ay ka degentahay magaalada Hargeysa weerar  ay soo abaabushay Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris, iyadoo adeegsanay awoodii dowlada Somaliland .Weerarkan lagu soo qaaday guriga Hooyadii Fanka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid loo adeegsatay gaadiidka Cagafyada dowlada Hoose ee Hargeysa iyo cutubyo ciidanka Booliska Somaliland ah, kuwaas oo si aan ixtiraam lahayn Guriga Hooyada Fanka Shamis Abokor “Guduuda Carwo ” u dumiyay qayb ka mid ah, isla markaana dhulka la samey wajhada hore ee Guriga Hooyo Shamis, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay 20-sano in ka badan ay guriga degenayd,kaasi oo la sheegay in gurigan la dhisay xiligii dowladii Siyaad Barre.
Ninkii hoggaaminayey weerarkan wax-shinamada ah ee lagu soo qaadey Hoyga Hooyadii Fanka Soomaliyeed ayaa lagu sheeegay Magaciisa Ismaaciil ,isla markaana la xusey inuu ka hawlgalo Dowlada Hoose ee Hargeysa, waxanu kula kacay haddalo aflagaado ah isagoo hooyada fanka ku tiraabay weedhahan, “Adeer haku dhimato ee iskadaa, maxay taraysay,waanu ku duminaynaa haku dhimatee “Ayuu ku yidhi ninka lagu magacaabo ismaaciil ee kooxdan weerarka soo qaadey hoggaaminaayey. Dhanka kale Ujeedada weerarkan ay Marwo Aamina Waris soo abaabushay ee guriga Hooyada Fanka Soomaaliyeed iyo guryo kale lagu soo weeraray ayaa ahaa mid ay Marwo Aamina Waris ku doonayso in ay jid weyn oo waafi ah ugu samaysanayo guri weyn oo huteel ah , kaasi oo dhawaan uu dhismihiisu dhamaaday ..
Eng Abdi Kahin, Hargeisa.