Wararkii u dambeeyay ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarkii muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Ugu yaraan 10 askari oo u badan saraakiil ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Warshadii hore ee Nacnaca ee degmadda wadajir ee magaalladda Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin soo xirtay tuutaha ciidanka militariga dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in uu gudaha u galay xerada ciidanka.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa gaaraya 15 ruux waxaana ku jira gabar yar oo xerada meel u dhow joogtay xiligii qaraxa uu dhacaayay.
“Waxaan maqlay qarax xoogan, xerada waxaa ku sugnaa ciidamo badan iyo saraakiil military-gga dowladda ka tirsan”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay nin diiday in magiciisa la sheego.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in ugu yaraan 25 askari ay ku dileen Qaraxa.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya wali kama aysa hadin weerarka.
13 bishii March ee sanadkaan, Qarax ayaa ka dhacay banaanka hore ee Warshadda Nacnaca oo ay ku xareesanyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya.
Maanta oo keliya waa qaraxii labaad oo ka dhacay magaalladda Muqdisho, waxaana midkii koowaad uu ka dhacay degmadda Xamar-weyne ee magaalladda.
Qaraxii ka dhacay Xamar-weyne ayaa ahaa Gaari nooca raaxada ah oo qarax lagu soo xiray oo ku qarxay nawaaxiga Isbitaalka Martiini ee Magaalladda Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre, ayaa sheegay gaariga Qaraxa lagu soo xiray in uu watay Cabduqaadir Cusmaan, oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.
Sidoo kale Gudduumiyaha degmadda Xamar-jajab, ayaa xaqiijiyay in ninkii watay gaariga uu ku geeryooday qaraxa.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, uu ku geeryooday Cabduqaadir.
Labadii Qaraxa ee maanta ka dhacay magaalladda Muqdhisho ayaa kusoo aadayaa xili shalay ugu yaraan 15 ruux ay ku dhinteen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalladda Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa ismiidaamin waxaa uu dhacay xilli wada uu marayey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Jimcaale Cirfiid oo shalay xilka la wareegay.
Taliyaha ayaa ka badbaaday weerarka, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay ku geeryoodeen weerarka.
Dadka ku geeryooday qaraxa waxaa u badan dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca Hoomeyda ah oo mareysay wadada xiligii uu qaraxa dhacaayay.