Hay’adda ICAO Oo Beenisay In La Wareejinayo Hawadda Somalia

(Berbera news) Madaxweynaha hay’adda QM u qaabilsan duulista hawada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu, ayaa beeniyey wararka sheegay in hawada Soomaaliya lagu wareejiey ama lagu wareejin-doono wadamada dariska ah.

Dr. Aliu oo waraysi gaar ah siiyay Hiiraan online oo aanu warkan ka soo xiganay  xili uu ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaas uu kaga qayb-galayey shir looga hadlayey “Cyber Security in Aviation”  ayaa sheegay in uu la yaabay wararka sheegaya warjeeninta hawada dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan kuu caddeynayaa in hawada Soomaaliya aanan la wareejin karin, maamulkeedana ay mar waliba u madax bannaantahay  dalka Soomaaliya.” ayuu yidhi Dr. Aliu.

Waxaa bilooyinkii la soo dhaafay aad loo hadal hayey warar sheegaya in hawada Soomaaliya lagu wareejindoono dalalka dariska ah ee kala ah Itobiya, Kenya, India iyo Seychelles.

“Waxaan waraaq aan ku faahfaahinayo xaaladda hawada dalka Soomaaliya u diray madaxweynaha dalka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo, dowladda Soomaaliyana weey ka warqabtaa in hawada Soomaaliya aan la wareejinkarin.” ayuu ku sii daray hadalkiisa Dr. Aliu.

Dr. Aliu oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah shaqsigii shanaad ee madax ka noqda hay’adda ICAO ee ay xaruunteedu tahay magaalada Montreal ee dalka Kanada, wuxuuna xukunka sii hayndoonaa ilaa iyo sannadka 2019ka.

Geesta kale waxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmay kulan ay soo qabanqaabisay hay’adda ICAO oo lagu falanqeynayo xakameynta karboonka qiiqa ah ee CO2 oo ay dayaaradaha siidaayaan. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay wadamada Galbeedka, Bariga , Bartamaha iyo Koofurta Afrika

Madax kulanka Mercy Awori oo u dhalatay dalka Kenya oo warameysay HOL ayaa sheegtay in kulamo badan oo aan qabanay ay Soomaaliya ka maqneyd. “Waxaan rajeynayaa in kulamada soo socda ay Soomaaliya ka qayb-galidoonto si ay u soo gudbiyaan warbixinada la xiriirta Carboonka CO2 ee dayaaradaha ka duula hawada dalka Soomaaliya” ayeey tiri madam Mercy Awori.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid ahayd 191 dal oo sannadkii aan soo dhaafnay ku saxiixay magaalada Montreal ee dalka war-murtiyeed loogu magac daray (CORSIA) kuna aadan xakameynta Karboonka qiiqa CO2 ee dayaaradaha (Montreal Agreement on CO2 Emission in Aviation Industry).

Berbera news.