Xeer-ilaalinta Somaliland oo soo bandhigtay eedaha uu u xidhanyahay Suxufi Coldoon

Hargeysa:(Berberanews)-Xafiiska xeer ilaalinta qaranka Somaliland, ayaa bannaanka keenay dacwadaha loo haysto suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo 40-maalmood ka badan ku jira gacanta ciidamada Booliska Somaliland.
Eedaha ay xeer ilaalintu huwisay suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xabsiga la dhigay waqti uu kasoo laabtay safar uu dalka Soomaaliya ku tegay, ayaa ah qaar culculus oo la xidhiidha inuu qaranimada Somaliland aflegaaddo u geystay, isla markaana uu abuuray warar been abuur ah oo ammaanka Somaliland ka dhan ah.
Eedaha kale ee ay xeer ilaalintu usoo jeedisay Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa sheegaya inuu aflegaadooyin u geystay afhayeenka madaxtooyada Somaliland isaga oo adeegsanaya bartiisa Facebook-gga, isla markaana uu qoraalkaas ku sheegay inuu madaxweynuhu iibiyey goobo muhiim ah oo dalka kamid ah.
Dembiyada loo jeedinayo saxafiga oo aan hore loo shaacinin tan iyo intii uu gacanta ciidamada ammaanka galay, ayey bulshadu si weyn u hadal haysaa, waxana la filayaa go’aanka ay ugu dambayn ka gaadhi doonto maxkamadda kiiska gacanta ku haysaa, taas oo la filayo inay hoos u eegi doonto eedaha xeer ilaalintu soo oogtay