Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqay Natiijada Codbixiyayaasha

Hargeysa(Berberanews):-Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday Tirada guud ee Dadka guud ahaan gobollada iyo degmooyinka isaga diiwaangeliyey cod-bixinta doorashooyinka oo sannadkii 2016-kii laga hirgeliyey Somaliland, waxaanay Guddigu sheegeen in Natiijadan ay shaaciyeen ahayn tii kamadambaysta ahayd, balse ay tahay Liiska hordhaca ah ee Dadka inay Codeeyaan doorashada isu diiwaangeliyey.

Kulan ay Maanta ku qabteen magaalada Hargeysa oo ay goob-joog ka ahaayeen Wakiillo ka socday Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye, Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Saraakiil Hay’adaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ee Somaliland dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ka taageera ka socday iyo Xubno Ururrada waddaniga ah ka socday, ayey Guddiga doorashooyinka Somaliland ku shaaciyeen Tirada Dadka isu diiwaangeliyey inay codeeyaan doorashooyinka soo socda oo ay ta Madaxtooyadu ugu soo horreyso iyo gobol kasta iyo degmo kasta wadarta iska diiwaangelisay.
Sidoo kale, waxay Guddiga doorashooyinka Somaliland sheegeen inay hadda bilaabayaan qaybtinta Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha, iyaga oo sheegay inay saddex weji u qaybiyeen oo laba laba gobol la isu raacinayo, uguna horreyn doonaan deegaannada Xeebaha ah inta aan la gaadhin xagaaga oo ay cimilada Xeebuhu kululaanayso.
Warbixinta Warka Kulankaas ay Guddiga doorashooyinka Somaliland ku shaaciyeen Tirada Dadka guud ahaan Somaliland iska diiwaangeliyey oo ay sidoo kale ka hadleen Masuuliyiin ka socday saddexda Xisbi iyo Xubnaha Guddiga doorashooyinku, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-