Maareeyaha Guud ee Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo Tacsi u diray ehlada Gabdho walaalo ah oo daad ku qaaday Aw-Barkhadle

Berbera-(Berberanews)-Maareeyaha Guud ee Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ayaa tacsi u dirayaa dhamaan ehelkii ay ka baxeen labadii marxuum ee maanta ku geeriyoodey dooxa Aw- Barkhadle oo kala ahaa Foosiya Maxamed Yuusuf iyo Asma Maxamed Yuusuf wuxuuna Alle uga baryey in uu janadiisa fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen , tacsi taa lamida wuxuu hawada u mariyey dhamaan dariiqada sheekh .

Sidoo kale wuxuu Alle uga baryay umadda inuu abaaraha ka soo jabiyo raxmadiisana u shubo.