Weftigii Saylici Hoggaaminayay Ee Imaraadka Ku Sugnaa Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay (SAWIRRO)

Hargeysa(Berbera news)Weftigii Uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) eek u sugnaa maalmahan Imaaraadka Carabta, saxeexayna heshiiskii Saldhiga Berbera ayaa saaka subaxnimadii hore ku soo laabtay dalka iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland Hargeysa.
Image may contain: 5 people, people standing
Waxaanay saxaafada kula hadleen barxada hore ee garoonka Diyaaradaha Egal International Airport, waxaana lagu waydiiyey su’aalo dhawr ah, ka dibna waxay u soo baxeen dhinaca magaalada oo ay dadweyne aad u tiro badani ku sugayeen wadooyinka, si qiimo lehna u qaabiley weftiga, dadkaasi oo isugu jiray madaxda dhaqanka aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qaybo ka mida bulshada caasimada, halka madaxweyne ku xigeenkuna uu dadkaasi u degay lugna ku dhex maray. Iyagoo ku dhaqaaqayay dadweynuhu ku soo dhawaada dalkiina hooyo waxad qaranka u horseedeen guulo midho dhal ah oo taarkhiidu xusi doonto iyo ereyo la mida
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit
https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/17424589_1241282499318934_8551777207595228628_n.jpg?oh=e92efd7b211c702213525f63a4350449&oe=59641E1DImage may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 1 person, standing, suit and outdoor
 
 
 
Berbera news.