Marna Waan Farxay, Marna Waan Naxay WQ Maxamed Faarax-Qori

 
Waxa aan aad ugu farxay markii aan arkay  dhisme cusub oo loogu tallo-galay Qaybta Daaweynta Gargaarka Degdega ah ee cusbitaalka guud ee Hargeysa oo uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).  
Waxa uu wax tar weyn u yahay dadka bukaanka ah ee u baahan in ay helaan gargaarka degdega ah, sababtoo ah, waxa ay ahayd goobtii hore meel aad u cidhiidhiya oo ay yaaleen 8-deed sariirood oo kaliya, oo aanay saxadeeduna wanaagsanayn.
Laakiinse, maanta waxa ay helli doonaan goob nafis ah, oo nadiif ah, oo aan saameyn taban ku yeelan doonin fayo-qabkooda, oo ay yaalaan 50-sariirood oo bukaan jiifka loogu tallo-galay iyo shaqaale si hufan u maareyn doona dadka bukaanka ah ee u baahan in ay hellaan gargaarka degdega ah.
Marka laga yimaado Qaybta Daaweynta Bukaan Socodka, haddana, Qaybtan Daaweynta Gargaarka Degdega ah waxa lagu maareyn doonaa dhamaan bukaanada nooc kasta oo ay daaweyntoodu tahay in lagula tacaalo hab-xeeladaysan, sida, qaliinada, cudurada iyo dhaawacyada, kuwaasoo qaata in ay ku nagaadaan goobtaasi, wax ka yar qadar saacado gudahooda ah, isla-markaana, ay ka hawl-gali doonaan koox nidaamsan oo takhakhusaad gaar ah u leh baadhitaanada calaamadaha cudurada iyo maareynta xanuunada cusub ee xaaladdaha degdega ah.
Kuwaasoo maareynta dadka bukaanka ah maalin kasta kala kulma maareynta dadka bukaanka ah caqabado badan oo ay ka mid yihiin xawliga shaqada adag ay leedahay iyo maareynta dadka bukaanka ah ee ku jira xaaladdaha adag, oo ay qaarkood naftu kaga baxdo hortooda iyagoo arkaaya, halka, in badanina ay saameyn togan ku yeelato noloshooda.
Inkastoo haddana ay jirto wakhtiga ugu horeeya in ay shaqaaluhu xiiseeyaan Qaybta Daaweynta Gargaarka Degdega ahi, taasoo, danta gaarka ah ee ay ka leeyihiina ay tahay in ay ka korodhsadaan khibrado badan oo kala gaar-gaar ah, marka danbana way iskaga tagaan, taasoo, sababtay in ay aduunku aqoonsadeen in la sameeyo koox aad loogu tababaray habka maareynta dadka bukaanka ee ku jira xaaladda gargaarka degdega ah.
Waxa aan ka naxay markii uu soo dhex-galay hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo u muuqday inuu u qaadan waayey heerka tirada dadka bukaanka ah ee Agaasimaha Cusbitaalka u sheegay inay yimaadaan bil kasta, sideed kun (8,000) oo bukaan ahi cusbitaalka Hargeysa, waxa uu ku yidhi: Ma sideed kun (8,000) oo qof?
May sahlanayn arrintaas ka yaabisay madaxweynaha sababtoo ah, ka hortaga ayaa ka wanaagsan daaweynta, waxa kale oo ay ina tusinaysay hoos u dhaca weyn ee ku yimid siyaasadii iyo qorshihii ay lahayd wasaaradda caafimaadka intii uu hormoodka uu ka ahaa Wasiir Wasaaradda Caafimadka mudane. Dr. Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) , isla-markaana, aanay jirin fayo-dhowrkii, baraarujintii caafimaad, ka hortaga cudurada sidii loogula tacaali lahaa in la yareeyo, siyaasaddii iyo qorshihii loogu tallo-galay 5-sanno ee soo socota 2018-2022.
Waxa intaasi sii dheer oo ay arrintaasi ka turjumaysay heerka maanta ay marayso ee ay ahayd in la yareeyo xanuunadda,dadkuna ay hellaan daryeel caafimaad oo wanaagsan oo ay awoodi karayaan, bulsho caafimaad qabta oo ka fayow cudurada, kuna noolaata deegaan nadiif ah oo ay ku noolaadaan dhamaan bulshada  Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa iyana naxdin labaad igu ahayd markii aan arkay dhamaan wargeysyadda madaxa banaan ee ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland oo intooda badan ay dhigeen warkii madaxweynaha xaga ugu hooseysa bogga koowaad ee ugu horeeya, taasoo, ay sabab u ahayd in uu ku beegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiiladu Baashe Maxamed Faarax, dhacdadii xaasaasiga ahayd ee uu dhex keenay gollaha wakiiladu in ay gacan taag ku taageeraan wadahadalka u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo, taasoo ahayd qaran dumisnimo iyo in uu doonayey inuu dhaawac soo gaadhsiiyo haykalka dowaladnimo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
 
.Qoraa. Maxamed Faarax Qoti