Musharraxa Da’da yar ee u istaagay Horumarka Qurbojooga Somaliyed ee Findland

Mudane Abdirahiim Hussein   waa nin dhalinyaro ah aqoon yahan ah mudo kusoo jiray arimaha siyaasada ee dalkan isagoo kamid ah qaarkamid ah xisbiyada dalkan finland.Waxaad arkaysaa in MR Abdirahiim  yahay in firfircoon oo wax qabad leh isagoo xooga saara in uu isku xiro bulshada soomaaliyeed iyo tan dalkan sidii ay isu fahmi lahaayeen si qurba joogta soomaaliyeed halkan ay u helaan hormar faa’iido leh oo ku saabsan dhanka shaqada,waxbarashada iyo fursadaha uga banaan dalkan oo ah in ay sidoo kale ku biiraan siyaasada dalkan.
Mudane  Abdirahiim Hussein waa shaqsi ay ku wayntahay soomaalinimada waana nin ka hufan wax yaabaha dib u dhigay dadka soomaaliyeed oo ah qabyaalada iyo kala qoqobka bushada soomaaliyeed ee walaalaha ah. waa nin jecel midnimada cadaalada sinaanta iyo wada jirka bulshada soomaaliyeed iyadoo aan qofna laga tagin. waxa uu xoog saaraa sidii loo hormarin lahaa goobaha bulshada isugu timaado sida naadiyada kala duwan ee jaaliyada goobaha dugsiyada iyo masaajida sidii loogu helilahaa caawin xaga dawlada ah wixii xaq ay u leeyihin in loo soo dhiciyo.maxaayeelay jaaliyadu halkan ayay dagan tahay waa in ay heshaa xuquuqdeedii dhan walba.
Dhalinayarada soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in laga caawiyo dhan walba haday ahaan lahayd tacliinta.isboortiga iyo shaqadaba taasoo Abdirahiim Hussein uu marwalba u taagan yahay in uu ka dhaadhiciyo hay adaha arimahan hormarintooda ku shaqada leh isagoo ku guulaystay in uu caawiyo jaaliyada inbadan waxna u qabtay muuqda.
Mudane Abdirahiim waa halgamaa wadani ah oo u taagan had iyo jeer difaaca caqabadaha ka yimaada bulshadan aan lanool  nahay ee ku wajahan jaaliyada soomaaliyeed.wana codkar hadana leh aqoon iyo fahan dhaqanka iyo afka wadankaanba oo aan marnaba gaban.difaaca uu difaacayo jaaliyada soomaaliyeed sharafkeeda iyo xuquuqdeeda waxayba mararka qaarkood u keentaa MR Abdirahiim dhibaato.hayeeshee waxa uu ku guuleyystay in uu dadkiisa wax u qabto caawiyo wixi fiicana u sheego.MR Abdirahiim waa nin nabadeed oo had iyo jeer jecel nabada iyo nolasha iyo in lashaqeeyo oo heer laga gaaro nolasha.waa nin jecel u jajabnaanta iyo caawinta dadkiisa soomaaliyeed waana nin ay soomaalidu u simantahay.
Hadaba hada waxa uu musharax u yahay in uu kubiiro golaha deegaanka helsinki waxaana Jaaliyada soomaaliyeed ka codsanaynaa in ay codkooda siiyaan walaalkeen musharaxa ah si uu halkaa uuga siiwado diifaceena iyo waxkastoo hormar u leh jaaliyadeena soomaaliyeed.runtii wax qurxoon maha in aan codkeena la bakhaylo codkaasoo wax wayn inoo taraya ka soomaali ahaan.waxaan leenahay codkaagu yuu ku ciilin dhiibo oo sii halgamaageena dada yar Farmaajo yare  ee inoo soobaxay siyaasiga wayna ah ee xushmada badan.
Xisbiga walaalkeen u sharaxan yahay waa Social Democratic Party of Finland
Lanbarku waa sidan 434 waa lanbar fudud. 

Doorashada golaha deegaanka Magaalada Helsinki waxaa la qaban doonaa 29.3.2017 ka ha loo diyaar garoobe codkuna ha aado mid uu helo walaalkeen Cabdiraxiim HUSU mahadsanidiin.