Wasiirka Cadaalada Oo Ka Hadlay Maxbuus Ku Geeriyooday Xabsiga Madheera

(Berbera news) Wasiirka Wasaaradda cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadarre, ayaa xaqiijiyay in Maxbuus ku xidhnaa xabsiga degmada Madheera ee gobolka Saaxil uu u geeriyooday xanuun haleelay, waxaanu sheegay in hay’adda caafimaadku ay xaqiijiyeen xanuunka ALLE ha u naxariistee Maxabuuskaasi, islamarkaana uu geeriyooday.
Wasiir Cadarre oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadd ahaan ay ka go’an tahay daryeelka iyo ilaalinta xaquuqada Maxaabiista.
Halkan ka daawo faah-faahinta warkan.

Berbera news.