Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Saldhigga Berbera Ku Tilmaamay Mid Koox Yari Dhaqale Ku Doonayso

(Berbera news) Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Suldaanka Beesha Ciidagale ayaa sheegay in aannu garanayn wax alla wax manfac ah oo uu dalka u soo wado saldhigga la sheegay in xukuumaddu magaalada Berbera ka siinayso waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta. Isaga oo sheegay in aanay illaa hadda xukuumaddu sharraxaad lagu qanci karo ka bixin saldhiggaasi.

Suldaanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ilaa hadda Milatariga Somaliland iyo saraakiisha ciidamada ugu sarreeyaa la yaabban yihiin saldhiggaasi oo aanay fahamsanayn sida uu u socdo isaga oo sheegay Suldaanku in xukuumaddu lacago uun ku urursanayso ee aanu jirin wax manfac ah oo saldhiggaasi dalka u soo wado. Suldaanka ayaa sidoo kale xaaraan ku tilmaamay in ay Golaha Guurtidu xilka ku hayaan loona baahan yahay in laga tashado.
Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Saldhiggaasi wax alla wax manfac ah oo uu dalka u leeyahay ma jirto. Wax intifaac ah innama soo galinayo saldhiggaasi ee innaga uunbuu rabash iyo dhibaato innagu hayaa oo soo kordhin doona. Waayo, dee niman saraakiil ah oo ciidamada ku takhasusay looma soocin oo arrinkan kama war hayaan oo ka fadhiisan lahaa. Milatarigii dalka Somaliland kama war hayaan walina iyaga laftoodii baa yaabban oo waxa ay ku leeyihiin saldhiggan maxaannu uga baahanahay. Saldhiggaasi in lacag uun lagu ururinayo oo in gooni ahi iska intifaacsanayso ayaa meesha ka muuqata. Yaa inna soo weeraraya?, ma yuhuud baa inna soo weeraraysa oo innaga celin bay kula tahay. Carabi Yuhuudna iska celin wayday diyaarna uma aha in ay difaacaan dalkooda”.
Dhinaca kale Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waxa uu si ba’an u dhaliilay Baarlamanka Somaliland oo uu sheegay in muddo kordhinta xad dhaaftay ee ay ku fadhiyaan tahay mid xaaraan ah isaga oo dhinaca kalena in ay hawshooduu gabeen ku tilmaamay guddida abaaraha. Isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu Suldaanku yidhi: “Raggii 1991-kii meesha la keenay weeyi waxaanay arrintu ku soo ururaysaa Guddoomiyaha. Dib dambena arrinkooda loogama doodin waxna lagama qaban. Anuu waxaan leeyahay Guurtidu si xaaraan ah ayay xilka ku haysaa. Xilka marbay umaddu u dhiibatay. Xilka miyaan laga dagayn. Miyaanay bannaanayn in dadka jaaniska la siiyaa. Haddii ay dantoodii noqotay in ay xukuumaddii timaaddaba is af garad ku qaabilaan oo ay hoos uga jilcaan. Golaha Guurtida iyo Golaha wakiiladu waa kala laba qaybood. Golaha wakiilada had iyo jeer waa la soo doortaa. Rag shaqadooda garanaya maaha wakiiladu”. Ayuu yidhi Suldaanku.
Berbera news.