“Heshiiskan Saldhigga, Waxaan Ka Fahmay Hadalkii Wasiirka Madaxtooyada In Madaxweyneheenna Iyo Madaxweynihii Hore Ee Somalia Ka Heshiiyeen”

(Berbera news) Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga tallada KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday in sida uga dhadhantay hadal uu Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi dhammaadka toddobaadkii tegay Dubai ka sheegay ay caddahay in Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ay wada galeen ama ay dhex-mareen isfaham iyo heshiisyo qarsoodi ah oo la xidhiidha Heshiisyada Imaaraadka ee Dekedda Berbera iyo Saldhigga Millateri ee Berbera.
 

Cali-Guray waxa uu sheegay in arrinta Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Berbera laga siinayaa weli mugdi badani ka sokeeyo oo aan la ogeyn khasaare iyo faa’iido midka ku jira. Waxa kale oo uu sheegay in Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu caddeeyey inuu bixiyey oggolaanshaha heshiiska Shirkadda Dubai World ee Maamulka Dekedda Berbera, sidoo kale kan saldhiggana ay Dawladdii Xasan Sheekh qayb ka ahayd. Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in aan Shacabka waxba laga qarin ee waxa jira loo sheego.
“Anigu waxaan taagnaa saddexdii sano ee ugu dambeeyey in doorasho dhacdaa waa xal doorasho la’aanina waa xal la’aan. Markaa, waxa ugu weyn ee rejo soo noolayn karaa waxa weeye iyadoo doorashadu sidaa lagu heshiiyey si cadaalad ah ay u dhacdo. Laakiin, intaan doorashada la gaadhin arrimaha taagan waxa ugu muhiimsan arrimahan Berbera oo markii horena iyadoon la innoo sheegin dawladdii hore ee Soomaaliya (Xasan Sheekh) oggolaansho bixisay; sida ka muuqatay hadalka Qolada Xukuumadda Somaliland. Dekedda waxaa yidhi; ‘Anigaa oggolaaday oo saxeexay’ Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya (Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke).” Sidaa ayuu yidhi Siyaasiga Cali-Guray oo u warramay Shabakadda Hadhwanaagnews.com oo aannu warkan ka soo xigannay.
Waxaanu Cali-Guray oo hadalkiisa sii watay intaas ku sii ladhay; “Heshiiskan Saldhigga Millateri-na waxaan ka fahmay hadalkii Wasiirka Madaxtooyada in Madaxweyneheenna iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (Xasan Sheekh) ay ka wadahadleen oo ay ka heshiiyeen, Baquhuna uu yahay in Madaxweynahan cusub ee Soomaaliya (Farmaajo) uu ka noqdo iyo Baarlamaankoodu. Arrinkaa Innagu markii hore xog-ogaal umaynaan ahayn, immikadan lafteedana si cad weli looma sheegin, markaa waxaan qabaa arrinkaasi inuu yahay mid madmadaw ku jiro, siduu u dhici doonana aanan runtii Anigu fahamsanayn.”
Cali-Guray, waxa uu soo jeediyey in aan Shacabka waxba laga qarin ee waxa jira loo sheego, maaddaama oo la ogyahay in aanay Somaliland Aqoonsi caalami ah oo wax badan u sahli kara dhinaca heshiisyada aanay haysan, waxaanu yidhi; “Horta, Shacbiga waxa marka hore fiicanba in runta loo sheego. Somaliland lama aqoonsana, xagga Xeerka caalamiga ahna inta aan la aqoonsan waxay tahay Soomaaliya, waana halkaas halka waxan keenaysaa. Markaa, laba arrimood bay mid innoo tahay; wixii heshiisyo ah ee ku xidhmaya Soomaaliya Xukuumaddeeda ama Madaxdeeda ama dawladdeeda aynu gebi ahaanba Innagu iska dayno illaa inta aynu Ictiraaf helayno. Iyo inay noqoto Dayaxa haddii la waayo Xiddigaha ayaa lagu gudaaye in Dadka aan laga qarinnin Heshiis caalami ah oo ay dawladaha badankoodu ku qasban yihiin in xagga Sharciga caalamiga ah ay Soomaaliya oggolaansho ama waxba kama qabno ay ka helaan, kolkaa Innaga ayey innagu xidhan tahay ee cid kale kuma xidhna.”
Waxa uu Cali-Guray sheegay in xogta uu soo xiganayo uu caddeeyey Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, waxaanu yidhi “Mid waxaa caddeeyey Raysal-wasaarihii Soomaaliya, oo waxaan qabaa inay run tahay oo intii aanay Innaga innoo iman ay ka soo dhammaysteen Soomaaliya, ka dibna ay Innaga innoo yimaaddeen oo ay heshiis innala galeen. Soomaaliya-na waxay ka heleen sida Raysal-wasaaruhu sheegayo ‘waxba kama qabno inaad la gashaan heshiiska’ ay ka heleen. Wadahadalladii hore ee heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya-na waxaa ku jiray inaynu Mashaariicda dhinaca hormarinta ah u madax-bannaanaanno oo waxay noqonaysaa hadday diidaan inay jebiyeen Heshiiskaas.”
Cali-Guray waxa uu tilmaamay inaanay arrinta Saldhigga Millateri ee Berbera laga siinayo Imaaraadka Carabtu aanay caddayn faa’iido iyo khasaare waxa uu u leeyahay Somaliland iyo saamaynta uu ku yeelan karo nabadgelyada mandaqadda iyo dalalka deriska la ah Somaliland, balse haddii daacad laga noqdo oo si sax ah loo caddeeyo faa’iidada Somaliland ugu jirta iyo inaanay dhibaato dalkan iyo deriskiisa midna u lahayn aanu dhib u arkayn in Dawlad Shisheeye Saldhig ku yeelato Berbera. “Anigu mabda ahaan haddii faa’iido innoogu jirto Saldhigga Millateri waan taageersanahay. Laakiin, wax allaala wax la innoo sheegay ma jiro, waxaynu ka ognahay ma jirto, waa mugdi arrinka Saldhiggaasi, dee mugdina wax kama sheegi karo.”
 
Berbera news.