Berbera: Shaqadii Dekedda Oo Maalintii Labaad Taagan, Fashilka Xukuumadda + Tacdiga DP World

(Berbera news) Waxa maalintii labaad taagan guud ahaan shaqadii Dekeda Berbera oo aanay wax shaqo ahi ka soconin iyada oo shaqaalihii Dekeda Berbera ee maalintii shalay Mudaharaadka iyo shaqo joojinta ay kaga Soo horjeedaan shirkada DP World Sameeyay saakana iskaga soo dareereen shaqadii dekeda, dhamaan Xafiisyada shaqadana alababada loo soo wada xidhay.
 

Qaar kamida Madaxda waaxyaha iyo shaqaalaha Dekeda oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Berberatoday.com ayaa noo sheegay in aan ilaa hada jirin cid soo kala dhex gashay iyaga(Shaqaalaha)iyo shirkada DP World ee ay ka cabanayaan hadhaqankeeda shaqo iyo xuquuqo kaga maqan oo la xidhiidha Mushaharaadkii oo kala badh laga jaray iyo guud ahaan gunooyinkii iyo lacago kaloo ay ku qaadan jireen shaqooyinka dheeraadka ahna laga wada jaray.
Waxa kaloo ay cabasho xoogan iyo diidmo ka muujiyeen shaqaalaha Dekeda Berbera ee shaqo jiijinta sameeyay inaanay tixgalin iyo ixtiraam ku haysanin shaqadii dalkooda islamarkaana la dul dhigay nin kasta oo madax waaxeeda ama xafiis maamula nin ajinabiya oo Hindi ama Chinese ah kaas oo shaqada la maamulaya lana damacsan yahay in markuu shaqada ka barto la eryo ka muwaadinka ah ka ajinabiga ahina shaqada la wareego,
Sidoo kale waxa shaqaale weynaha Dekeda Berbera shaqo joojintooda soo dadajisay hanjabaad ay sheegeen inuu kuhayo Maareyaha shirkada DP World ujooga Dekeda Berbera nin lagu magacaabo Ibraahim Hamaadda oo Dalka Masar udhashay kaas oo ugu hanjabay shaqaalaha mar uu shaqal la hadlaayay inuu shaqaale iyaga o mushaharaad jaban oo Hindi iyo indha yara ka keensan doono dalalka Asia hadii ay uhogaansami waayaan awaamiirta uu usoo dajiyay ee ay dulmiga iyo tacdiga ku tilmaameen shaqaalaha Dekeda berbera kana dhega adaygeen inay ku shaqeeyaan ee shaqo joojinta maalintii labaad gashay keentay.
Shaqaalaha Dekeda Berbera ayaa sidoo kale cabasho xoogan ka muujiyay kuna tilmaamay inaan la aqbali karin lacag (400,000) afar boqol oo kun oo Somaliland shilin ah oo lacagtooda mushaharka laga jari doono taas oo la sheegay in cunto loogu samayn doono laba wakhtiya oo ay ka cuni doonaan Hutel Dekeda gudaheeda laga samayn doono oo la sheegay in la siiyay nin ka shaqeeya shirkada Dahabshiil ee gacanta weyn ku leh shirkadan DP World ee Maamulkii iyo Macaashkii Dekeda la wareegtay. shaqaalaha Dekeda ayaa diiday lacagtaas la leeyahay raashin ayaa laydinku samaynayaa iyaga oo sheegay in cuntadu guryahooda uga bisishahay oo aanay ubaahnayn in raashin loogu sameeyo Dekeda gudaheeda lacagtoodana sife sharciyada baalmarsan oo khasab ah looga goosto.
Geesta kale ilaa hadda ma jirto masuuliyiin dhinaca Xukumada ka socota oo cabashadan iyo shaqo joojinta shaqaalaha Dekeda ka hadashay marka laga reebo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo maalintii shalay sheegay inuu xal uhelida cabashada shaqaalaha iyo shirkada DP World uu ku hawalanyahay.
 
Berbera news.