Shaqaalaha Dekedda Berbera oo sammeeyay Mudaharaad shaqo-joojin ah-Daawo

Berbera(Berberanews):- Boqollaal ka tirsan Shaqaalaha Dekedda Berbera, ayaa Maanta Berbera ka sameeyey Muddaharaad ay kaga soo horjeedaan amar ay siiyeen Masuuliyiinta ka socda Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World oo bilawgii bishan si rasmi ah ula wareegtay Maamulka Dekedda.
Shaqaalahan oo ku qaylinayey Weedho  ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin una diiddan yihiin shirkadda Dekedda Berbera lagu wareejiyey inay xaqooda iyo xuquuqdooda Duudsidu, dalwadda Somaliland ee heshiiska la gashay shirkaddaasna uga gaabsatay, ayaa markii dambe Warbaahintu wax ka weydiisay waxa sababay muddharaadkan, iyaga oo faahfaahiyey waxa ku kallifay.
Geesta kale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo Saxaafaddu wax ka weydiisay muddaharaadkaas iyo ka maamul ahaan waxa ay ka qabteen cabashada sababtay, ayaa sheegay inay arrintaas ka hawlgeen, isaga oo qiray inay jiraan Dad la xidhxidhay, inkasta oo uu xusay inaanay shaqaalaha Dekedda ka tirsanaynd.
Haddaba, Muddaharaadkaas Shaqaalaha Dekedda Berbera qaar ka tirsani dhigeen maanta, sababta ku kelliftay iyo waxa ka cadhaysiiyey oo faahfaahsan iyo weliba Badhasaabka Saaxil oo ka hadlaya, Warbixinta Warkooda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-