Rabshado dhexmaray taageerayaasha Erdogan iyo booliska Holland

Isku dhacyo ayaa ciidamada booliska ka hortaga rabshadaha ee dalka Netherlands iyo dad dibadbaxyo dhigaya waxa uu ku dhex maray magaalada Rotterdam, xilli muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Turkiga iyo Netherlands uu sii xumaanayo.

Netherlands ayaa musaafurisay wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya.
Booliska ayaa xoog ku kala eryay qiyaastii 1000 qof oo isugu soo baxay bannaanka hore ee qunsuliyadda Turkiga ku leeyahay magaaladaasi.
Wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya ayaa dooneysay in ay taageero u raadiso aftida loo qaadayo dastuurka dalkaasi bartamaha bisha dambe. Aftida ayaa la doonayaa in dastuurka isbadal lagu sameeyo si awood dheeraad ah loo siiyo madaxweynaha.
Dowladda Netherlands ayaa sheegeysa in isu soo baxyada noocaasi ah ay xiisad ka dhex abuuri karaan dalkeeda oo hadda isu diyarinayo doorasho guud.
Fatma Betul Sayan Kaya, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku tagtay magaaladaasi, iyada oo rajeynaysay in ay ka qayb gasho isu soo bax siyaasadeed oo taageero looga doonayay dadka asal ahaan Turkida ah balse haysata dhalashada Netherlands, haseyeeshee waxaa loo diiday in ay gudaha u gasho qunsuliyadda Turkiga ee ku taala magaaladaasi Rotterdam.
Kaya ayaa waxa ay booliska dalkaasi geeyeen xudduudda Netherlands ay la wadaagto Jarmalka, sida uu xaqiijiyay ra’iisalwasaaraha Netherlands Mark Rutte.
Kal hore, dowladda Netherlands ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ka mamnuucday in uu dalkaasi diyaarad ku soo galo. Wasiirka ayaa hadda waxa uu u safray magaalada Metz oo ku taala woqooyiga Faransiiska, si jaaliyadda Turkiga ee halkaasi deggan uu uga dhaadhiciyo in ay taageeraan isbadalka lagu sameynayo dastuurka.
Ra’iisalwasaaraha Netherlands ayaa sheegay in ay adkaatay in xal laga gaaro murankaasi diblomaasiyadeed ee u dahxeeya dalkiisa iyo Turkiga, waxa uuna mas’uuliyad xummo ku tilmaamay booqashada wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga.
Dhiggiisa dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in Turkigu uu ka aargoosan doono Netherlands oo uu sheegay in ay ku kacday dhaqan aan la aqbali karin.
Wargeyska Hurriyet ee dalka Turkiga ayaa sheegay in wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga ay hadda dalkeeda ku laabatay.
Madaxweyne Erdogan ayaa xukuumadda Netherlands ku tilmaamay “haraadigii Naasiyiinta” bacdamaa ay is hor taageen booqashadii wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Muxuu ku saabsan yahay murankani?

Turkiga ayaa afti u qaadaya isbadalka dhanka dastuurka ah, waxaana dowladda ay dooneysaa in dadku ay taageeraan isbadalkan, si madaxweynaha uu u helo awood badan sida kan Mareykanka oo kale.
Haddii aftidu ay u dhacdo sida ay dowladda dooneyso, madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu helayaa awood dheeraad ah oo uu xitaa ku soo magacaabi karo golahiisa wasiirada, kuna dejin karo miisaaniyadda dalka oo dhan.
Madaxweynaha ayaa haddii uu aftidan ku guuleysto waxa uu awood u yeelanayaa in uu soo magacaabo xubnaha garsooreyaasha maxkamadaha iyo in uu soo saaro sharci ku saleysan awood madaxweyne.
Xigasho Bbc