“Dalkan Dadkii Laa Waa Inay Tashadaan Oo Ay Dawladd Wanaagsan Raadsadaan” Prof: Cabdisalaan Yaasiin

(Berbera news) Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka tirsan madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka isla-markaana ka mid ah aasaasayaashii Ururkii SNM, ayaa sheegay inay jiraan abaaro aan la dareen sanayn oo aan ahayn midda muuqata ee roob la’aanta ka dhalatay.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyey in abaaraha jira aan lagu baraarugsanayn ay kamid yihiin mid dhinaca xukuumadda iyo guurtidaba ka yimi, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Abaarta ugu xumi waa midda talada iyo dadka, Abaar guurtiyeed, mid Baarlamaan iyo mid Xukuumadeed baa ina haysata, waana abaaro inagu dul habsaday oo ilaa aad iska qaaddo aan diyaar u ahayn inay tagaan, kuwii ina xukumayeyna Keeg bay cunayaan oo isku casuumayaan lacag lama hayona way ku leeyihiin.” ayuu yidhi Prof: Cabdisalaan Yaasiin
Prof: Cabdisalaan Yaasiin Isaga oo aan mucaarid iyo muxaafid midna kala reebin waxa uu sheegay casuumado lacago badani ku baxayaan la isla dhacayo, isla-markaana afka laga sheegayo inay abaari jirto, “Sow kuwan lacagtii guranaya ee dalki iibinaya ee korodhsanaya xataa Axsaabta mucaaridka ahna ku daroo saw kuwan aan oggolayn in wax waliba sidoodii u socdaan, dalkan dadkii lahaa waa inay tashadaan oo ay dawlad wanaagsan iyo maamul wanaagsan raadsadaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin.
Berbera news.