Saxiimado Iran leedahay oo Markab Maraykanku leeyahay ka weeciyey marinkiisii

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Markab ciidamada badda Maraykanku leeyihiin oo marayey gacanka Hurmuz, ay qasab ku noqotay in uu ka leexdo dhabbihii uu haystay ka dib markii saxiimadaha dheereeya ee Iran ka hor yimaadeen.

Markabka oo la yidhaa USNS Invincible ayaa dhabbihii uu haystay ka weecday ka dib markii saxiimadahaasi ka hor yimaadeen oo ay u soo jirsadeen 600 Yard (550 M) ka hor intii aanay halkaa ku joogsanin.
Saddex Markab oo kale oo ay leeyihiin ciidanka badda Boqortooyada Ingiriisku oo daba socday Markabkaa ayaa iyagana sidoo kale ay qasab ku noqotay in ay ka weecdaan dhabbihii ay haysteen.
Sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay warfidiyeenka in saxiimado Iran leedahay isku dayeen in ay isku gedaamaan.
Saxiimadahan Iran ee maraakiibta weeciyey ayaa la rumaysanyahay in ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanku.
Sarkaal ka tirsan ciidanka badda Maraykanka oo dalbaday in aan la magac dhebin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) in dhacdooyinka noocan ahi beryahan si joogto ah u dhacayeen. Waxaana ciidanka Maraykanku u arkaa ciidamada wata saxiimadahaasi in ay yihiin kuwo “bilaa tabobar ah oo khatar ah” waxaanu intaa ku daray in ay rasaas digniin ah mar hore oo dhacdadan oo kale dhacday ay ku rideen Markab Maraykanku leeyahay oo gacankaa marayey.
Xigasho Bbc