“Sida aad u dhaqmaysaan kama duwana sidii ay dhaqmi jireen kuwii Nazi-ga ahaa ee hore” Madaxweynaha Turkiga Erdogan

Ankara(Berberanews)Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa si cadho ah ugu dhawaaqay in Xukuumadda Dalka Jermalka ee xiligan aannay waxba ka duwanayn nidaamkii Nazi-yiinta, waxayna weedhihiisu muujiyeen dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya xukuumaddaha Turkiga iyo Jarmalka oo sii xumaanaya.
Recep Tayyip Erdogan ayaa hadalkan kulul jeediyay ka dib markii maamulka Jermalku ay baajiyeen isu soo bax loogu talagalay in taageero lagaga raadinayo dadka asal ahaan Turkiga ka soo jeeda ee dalka Jermalka ku nool, kuwaas oo codkooda ka dhiiban doona Afti muhiim ah oo la xidhiidha wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka oo la doonayo in dadweynaha cod loo weydiiyo.
“Sida aad u dhaqmaysaan kama duwana sidii ay dhaqmi jireen kuwii Nazi-ga ahaa ee hore” ayuu yidhi Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka hadlayay tallaabada ay Booliska Jarmalku ku joojiyeen dadka asal ahaan kasoo jeeda Turkiga ee doonayay inay isu soo baxa.
Dhinaca kale Wasiirka caddaaladda ee Jermalka Heiko Maas, ayaa si deg deg ah uga bixiyay jawaab dhawaaqa Madaxweyne Erdogan, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay “mid foolxun oo laga xishoodo”.
Markii ay labada dhinac is weydaarsadeen weedhahaa, wax yar kadib xukuumadda dalka Austria, ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah midawga Yurub inay sii xoojiyaan joojinta taageerada Madaxweyne Erdogan ku doonayo Aftida Dastuurka ee “Haa”.
Dalka Jarmalka, waxa ku nool dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo Turkiga u dhashay, kuwaas oo xaq u leh in ay codeeyaan Aftida dhacaysa bisha April 2017, taas oo haddii la meelmariyo awoodo dheeraad ah siin doonta Madaxweyne Erdogan.
Dadka codka dhiibanaya ayaa la waydiin doonaa in ay taageersan yihiin dastuurka cusub arrintaas oo siyaasada dalka Turkiga iyo awooda xukunka wax ka badali doonta, isla markaana meesha ka saaray hannaanka baarlamaaniga ah ee uu hore ugu dhaqmayay, iyadoo u badali doonta nimaad uu awoodda Madaxweynuhu yeelan doono.
Meelmarnta Dastuurka cusub ee Turkiga, wuxuu Madaxweyne Erdogan siin doonaa awoodo cusub oo dhanka miisaaniyadda, magacaabidda wasiirrada iyo garsooreyaasha iyo sidoo kale in uu awood u yeesho in uu kala diro Baarlamaanka dalka.