Siyaasi Maxamed Gacayte Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Dacwad Xisbiga UCID U Gudbiyay Guddida Doorashooyinka

(Berbera news) Siyaasi maxamed gacayte ayaa si adag uga hadlay warqada xisbiga ucid uu u gudbiyay koomishanka Eeedo culusna u soo jeediyay faysal cali waraabe,  Maansadii Dabahuwan ee Abw. Hadraawi ayaa waxa ku jirtay kalmdan “Qofba Wuxuu Ka Daganyahay Halkuu Daacad Kaga Hadho” Hubaal weeyi inay tahay weedhani halbeeg lagu qiimayn karo qof kasta halka uu kaga hadho ama kaga baydho daacadnimada, runta, xaqa iyo sharcigaba. Hadaba cida ku suntan tusaalaha cabasho iyo dacwad toona uma banaana, xaquna maaha kaad aragto maalinta lagaa leeyahay, sideedaba sharciga waa loo siman yahay balse ninka sharci daro sacabka u tumay inuu sharciga ka cawdo maaha. Qofna xaq uma laha inuu yidhaahdo waxaan doonayo uunbaa sharci ah xataa haday sharci daro tahay; waayo qofna sharciga kama wayna.

Hadaan ujeedadayda hoos hadaan ugu daadago, Labadii Garab ee Xisbiga Ucid markii dacwadu socotay, Garabka Faysal waxay gabi ahaanba duudsiyeen oo xaqoodii aaseen dadkii kusoo tabcay ee xoog iyo xoolaba galiyay in mar labaad Ucid Xisbi qaran

noqdo; Sidoo kale waxa hal bacaad lagu lisay laga dhigay Musharaxiintii iyo Xildhibaanadii uu codkooda kusoo baxay oo ah cida qudha ee sheegan karta Xisbiga hadii cidi sheeganayso. Garabka Faysal waxay ku doodayeen inaanay jirin cid Garabka Jamal ahi ama New Ucid ah oo wax ku leh Ucid. Xildhibaanka kaydka ahi waa Garabkii Jamal Cali Xuseen, Maayorada ay soo hadal qaadeena waa New Ucid; Waa damiir xumo inaad daba socoto dadkii aad Xaqooda dafirtay waliba adigoo sharci daro laguugu soo macmalay musharaxnimo waraabo u taaga ah oo meel ay Dastuurka kaga qorantahay aanay jirin mar 3aad inaad u cararto

Musharaxnimo; Adigoo laba jeer oo hore dhacay shacabkuna Uff ku yidhaahdeen sidii M.weyne Siilaanyo sheegay; Indho adkaan iyo sharci jabin qaawan inaad umada lasoo hor taagnaato may ahayne; inaad umada ka xishooto ood meel ka fadhiisato baa kula gudboonayd.

Dhinaca kale ; Xildhibaanada ku abtirsada New Ucid shacabka ayaa soo doortay codkoodii ayay ku fadhiyaan kuraasta; xaasha muu ahayn cod la siiyay Ucid ama Faysal ee wuxuu ahaa cod la siiyay Xildhibaanadii Golaha Deegaanka intii soo baxay iyo intii hadhayba, wuxuu ahaa cod lasiiyay New Ucid iyo Aqoonyahan Jamaal cali xuseen Isaguna danbi muu samayne Mishiinkii Xisbiga Ucid.

kusoo saaray Ayuunbuu kala soo baxay. Xaqbuu u leeyahay inuu muujiyo Cudadii, Taageerayaashii iyo Xildhibaanadii New Ucid ee Faysal ku dacwooday inaanay Xisbiga ka mid ahayn, Ma garanayo caashaqa maanta hayaa shalay xaguu jiray. Waxan leeyahay Ma jiro Xildhibaan laga qaadi karaa xilkiisa ama xubinimadiisa awoodna uma laha sabab laaan shacakii soo doortaybaa jooga, Kaliya Doorasho uunbaa lagu badali karaa Xildhibaanka. Faysaloow adigaa lagaa hayaa Garabka Jamal markuu noo yimid bakhtigaa xalaal noo ahaa, Waxaan ku leeyahay adkayso oo bakhtigaaga sido ama buuraha jiidh waa taasoo abadan ah layskaga jimcin maayo. Afartaa uunbaa ku joogaye iska iimaanso igawaloonad wax kabadan helayne, Indhaha hoos usoo rog, xamil ayaa laga rabaa ee adkayso.

Wabilaahi Tawfiiq

Siyaasi Maxamed Gacayte

Berbera news.