Shirkadda DP World oo caydhisay boqollaal shaqaale ah oo ka hawlgeli jiray Dekedda Berbera

Berbera(Berberanews)-Shirkadda DP World oo ee dhawaan xukuumadda Silaanyo ku wareejisay Dekedda Berbera muddo 30o sano ah, ayaa caydhisay shaqaale tiro badan ka dib markii ay siisay xaqoodii oo kala badh la musuqmaasuqay.
Shirkadda DP World waxay maanta soo dhejisay magacyada shaqaalaha ay ogoshahay inay ka sii shaqeeyaan dekedda, waxaanay meesha ka saartay shaqaale tiradooda lagu sheegay 270 qof.

shaqaalaha la eryay ayaa noqonaya wajigii koowaad ee shaqaalaha Dekeda ee shaqo ka caydhinta lagu samaynayo iyada oo dhawaan ay shirkada DP World ee macaash doonka ah samayn doonto daraasado caafimaadka shaqaalaha iyo da,da ama Cimriga  ah la xidhiidha kuwaas oo sida xogaha aanu helaya sheegayaan la eryi doono shaqaalaha aan buuxinin shuruudaha caafimaad iyo kuwa da,ahaaneed ee shirkada PD World ku xidho.
Sidoo kale waxa iyana la sheegayaa in ay shirkadu shaqaale Ajinabi ubadan Dekeda Berbera keeni doonto kuwaas oo ubadan hindi iyo Chinese kamida shaqaalaha shirkada uga shaqeeya Dekedaha ay maamusho ee caalamku kun yaala.
Wasiiradii dhawaan keenay lacagta xuquuqda shaqaalaha ee xukumada ka tirsan iyo maamuulka Dekeda Berbera ayaa ilaa markii uu soo baxay warka sheegaya in Dekeda Berbera shirkada DP World laga kireeyay ku celcelinaayay in aanay dhici doonin shaqaale kamida kuwa Dekeda Berbera oo la eryi doonaa in la kordhiyo mooyaane.
Ilaa Hada Maamulka Dekeda Iyo Shirkada DP World tooona may sheegin sababta keentay shaqo ka caydhinta Deg Dega ah ee shaqaalaha shaqada laga eryay hase yeshee waxa la sheegayaa in heshiiska lala galay shirkadani sheegayo inay eryi karaan shaqaalaha ay u arkaan inay ka maarmi karaan aan anfici doonin.
Halkan Hoose Ka akhri Liiska shaqaalaha Rasmiga ah ee Shirkada DP World sheegtay inay qaadatay.