Dood adag oo siyaasiyiin badan kaga faalloodeen Saldhigga Milateri ee Berbera-Daawo

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Maraykanka iyo Dr. Maxamed Cabdi oo isaguna Bare ka ah Jaamacad ku taal Ingiriiska, ayaa Dooddii Jimcaha ee Galabta Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ka wada qayb-qaatay, taasoo ku saabsanayd Saldhigga Millateri ee Somaliland Imaaraadka ka siisay Berbera oo ay labada Gole ee Baarlamaanku Axaddii toddobaadkii hore Aqlabiyad ku ansixiyeen.

Baarlamaanka Somaliland, ayaa 144 Xildhibaan oo ka tirsan 164-ka Mudane ee labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtidu ka kooban yihiin, ayaa oggolaaday Axaddii toddobaadkii hore Codsi Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey oo ahaa inay oggolaadaan inay Xukuumaddu Dawladda Imaaraadka Carabta la soo gasho Heshiiska ay Saldhigga Millateri Berbera kaga siinayso, balse Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xildhibaanno Mucaaradka ka tirsan ayaa ka baxay fadhigaas wada-jirka ahaa, halka qaar kale xoog lagaga saaray, qaar la xidhay, kuwo kalena Askar Golaha la geeyey garaaceen.
Haddaba, Doodda Galabta ay BBC-du qabatay oo uu Daaddihinayey Weriye Cabdinuur Sheekh Maxamed Isaxaaq, waxa ugu horreyn lagu bilaabay Cabdiraxmaan-Cirro, waxaanu ku dooday inaan waxa Golaha la keenay Heshiis ahayn oo uu is-beddelay Ajandaha Madaxweynuhu labada Gole Warqadda ugu soo qoray, ee la keenay Waraaqo, isla markaana Golaha la afduubay, sidoo kalena aanu jirin Sharci labada Gole ka dhaxaysiinaya inay wada ansixiyaan Heshiis ay Xukuumaddu soo gashay oo la xidhiidha Dhaqaale, Siyaasad iyo Nabadgelyo. Balse, waxan la ansixiyey ay ahaayeen Warqado Luuqadda Soomaaliga Madaxtooyadu ku soo qortay.
Dooddaas oo dhammaystirani sidii ay u dhacday, Su’aalaha Masuuliyiinta iyo Aqoonyahannada la weydiiyey, Jawaabaha ay ka bixiyeen, sida ay u kala doodeen iyo waxyaabaha aan la ogeyn ee ay Dooddani iftiimisay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan Hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-
https://www.youtube.com/watch?v=CWhyWDAj6Mo