“Somalia Waynu Iska Soo-horjeednaa, Wixii Horumara Ee Inoo Soo Kordha Way Ka Qaylinayaan” Danjire Cawil

(Berbera news) Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha aqoonsi raadiska, ayaa soo dhaweeyay saldhiga milatari ee Baarlamaanku ogolaadeen in Imaaraadka Carabta laga siiyo Berbera.

Md. Cawil, oo uu waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa weydiiyay aragtidiisa ku saabsan saldhigan, waxa kale oo uu siyaasiyiinta Somaliland ee saldhigan diidan u soo jeediyay inaanay la dareen noqon siyaasiyiinta Somaliya ee diidan saldhigan.  “Waxa horta haboon in aan la siyaasadayn wixii horumar ah ee dalka u soo kordhaya, siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa laakiin waxa qurux badan mucaarid iyo muxaafidba in la soo dhaweeyo wixii horumar ah ee dalka u soo kordha. Dawlado badan oo adduunka ka jira ayaa saldhigyo bixiya iyagoo u arkay inay dalkooda faa’iido ugu jirto, waa inay dadkeenu u arkaan in saldhigani laga kiraynayo imaaraadka faa’iido mooyee aanu wax dhibaato ama khasaare haba yaraatee lahayn.” ayuu yidhi Cawil oo intaas raaciyay “Madaarka Berbera oo ay isaga dambeeyeen Ruushka iyo Maraykanka oo saldhigyo ku lahayeen lacag ayaa ka soo geli jirtay dawladii Somaliya, waxa kale oo ka soo geli jirtay in ciidankii Soomaaliyeed si xoog leh loo qalabeeyo, madaarka Berbera maantadan aan joogno dayuurad soo fadhiisataa ma jirto, inaynu u helno dawlado inaga kiraysta waa talaabo wanaageeda leh. Dawlad markaad saldhig ka kirayso kuma qabsanayso, muddo ayaad ka kiraysaa kirro bixin ayaa idin dhex taala mudadaas aydun ku heshiiseen inay kiraystaan saldhiga. Djibouti oo aynu walaalo nahay lix saldhig ayay dawlado kala duwan siiyeen fa’aiidooyin aan la malayn karayn ayaa Djibouti ka soo gala.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cawil yidhi “Teeda kale, Somaliya waynu  iska  soo horjeednaa madaxdooduna had iyo jeer wixii horumara ee inoo soo kordha way ka qayliyaan, ragga aynu iska soo horjeednaa waa inay muraayad kuu noqdaan oo waxay arkayaan oo ay la qaylinayaan waxay ogyihiin in dani inoogu jirto. Waa ayaan darro weyn haddii siyaasiyiinta Somaliland ee diidan saldhigu iyo kuwa Somaliya isku dareen noqdaan, kuwaas oo aynu ognahay inay ka soo horjeedaan qaranimadeena. Faa’iidada u weyn ee saldhigyada laga helaa waa ciidanka dalkaas la soo degayo  ayay faa’iido iyo xoog u noqotaa. Dawladu markay wax keento, waxba qaban kari mayso haddii arrin walba laga horyimaado, waxa loo baahanyahay inaan darisno arrin walba faa’iidada inoogu jirta, yaynaan mar walba siyaasiiinteenu la dareen noqon siyaasiyiinta Somaliya ee aan iska soo horjeedno ee ilaa maanta diidan wadadii Tog Wajaale iyo Berbera isku xidhaysay.”
Mar la weydiiyay wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, wuxuu ku jawaabay  “Arrinta Khaatumo si wanaagsan ayay noogu dhammaatay, is afgarad iyo walaaltinimo ayaa halkaas ka soo baxday, isku dareen ayaan noqonay madaxdii Khaatumo iyo Cali Khaliif, bisha soo cotoa ayaan shir dambe yeelanaynaa oo kaas ayaan ku soo khatimaynaa wada hadalka, walaalaheen in laga bogsiiyo wixii ay qabaan ee tabasho ah waa loo baahanyahay.”
 
Berbera news.