“Saldhiga Millateri Xoog ku socon maayo, Maxkamadda Sare ayaannu geynaynaa.”Maxamed Xaashi

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland immikana ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa sheegay in Saldhigga Millateri ee Imaaraadka ay Xukuumaddu siinayso inay xoog iyo lacag ku jiidhsiiso oo Golihii sharciga u lahaa mid kale ku lammaanayso aanay socon doonin, isla markaana ay Maxkamadda Sare u gudbin doonaan Dacwad ka dhan ah ansixinta Heshiiskaas ee Axaddii ay Aqlabiyadda Mudanayaasha labada Gole meel-mariyeen, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu is-casilo.
Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen isaga iyo Xubno kale magaalada Hargeysa markii fadhi wada-jir ah oo ay Guurtida iyo Wakiilladu yeesheen oo Madaxweynuhu heshiiskaa ugu gudbiyey laga soo baxay, kaas oo Xildhibaannadii ka hor-jeestay Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo fadhiga guddoominayey Askar u dalbaday qaarkood xidhay, kuwo garaacay, xubno kalena Fadhiga-ba dibedda si xoog ah ugaga saaray.
Waxaannu Siyaasiga Maxamed Xaashi oo arrimahaas si faahfaahsan uga hadlaya Sharci ahaan iyo Siyaasad ahaanba hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-