Maraykanka oo mar kale Racfaan ka qaatay Qaraarro lagu diiday Go’aankii Xayiraadda 7-da Dal

Washington(Berberanews):- Waaxda Cadaaladda ee dalka Maraykanka, ayaa mar labaad Racfaan ka qaadatay Qaraarro Maxkamaduhu ku buriyeen dhaqangalka xayiraadihii dhanka socdaalka ee Madaxwayne Donald Trump ku soo rogay toddobada waddan ee Muslimka, waxaanay ku baaqday in Maxkamadda Racfaanku ay ayiddo go’aankaas, iyada oo ka eegaysa danta Ammaanka Qaranka.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo mar kale Racfaan ka qaatay Qaraarro lagu diiday Go’aankii Xayiraadda 7-da Dal ee Trump

Aqalka Cad ee Maraykanka oo mar kale Racfaan ka qaatay Qaraarro lagu diiday Go’aankii Xayiraadda 7-da Dal ee Trump

Qoraal 15 Bog ka kooban ayey ku faahfaahisay in go’aanka Madaxweynuhu uu sharciga waafaqsan yahay, isla markaana aanu ka dhignayn in Muslimiinta la mamnuucay. Amarka Madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan Qaxootiga iyo Dadka ka tegaya toddoba dal oo Muslimiin ah oo Soomaaliya ku jirto, sida ay baahisay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay caawa.
Racfaankan, ayaa loo qoondeeyay in la dhagaysto Arbacada Berri si loo diido ama loo soo celiyo oo uu u dhaqangalo. Waxaa Racfaankan la geeyay Maxkamad Racfaan oo fadhigeedu yahay San Francisco, iyadoo ay jawaab u tahay amarkii Trump ee uu joojiyay Jimcihii Xaakim ku sugan gobolka Washington.
Xaakimkaas, ayaana ku baaqay in mamnuucitaanka Madaxweynuhu aanu Dastuurka waafaqsanayn, isla markaana uu waxyeello u keensanayo danaha Maraykanka. Arrintaas ayaana sababtay in ay awoodaan in ay mar kale dalka Maraykanka u safraan dadka haysta dal ku galka saxda ah ee ka tega Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya, iyo Iiraan.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Waaxda Cadaaladdu ku doodayso:
Madaxweyne Trump, ayaa ugu mudan in uu qaato go’aannada ammaanka Qaranka; In ay khalad tahay in go’aankan lagu sheego in Muslimiinta la mamnuucayo maaddaama oo toddobadaas dal loo xusay halista argaggixiso ee ka jirta. Sidaas daraaddeed, in amarku uu dhexdhexaad yahay, oo uu ixtiraamayo Diinta. Dalalka xulafada ah in aanay xaq u lahayn arrintan, Jahwareer ka dhacay garoomada diyaaradaha.
Go’aanka uu soo saaray Madaxweynaha Maraykanku 25kii bishii koobaad ee sannadkan, ayuu kaga dhabeeyey ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ololaha doorashada, markaas oo uu sheegay in uu sare u qaadi doono xayiraadaha dadka galaya Maraykanka.
Qodobbada ugu muhiimsanaa Amarka:
In soo gelitaanka Maraykanka laga mamnuuco dadka u dhashay Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya iyo Iiraan. In si ku-meel-gaadh ah loo xayiro dhammaan Qaxootigii uu Maraykanku qaadan lahaa
Ahmiyadda in la siiyo Diimaha laga tiro badan yahay (waxaa loo fasiray dadka Kiristaanka ah) ee qaxootinnimo dalbada, In la mamnuuco dhammaan Qaxootiga Suuriya ka tegaya.
Jahwareer ayay arrintaasi ka dhalisay gudaha Maraykanka iyo garoomada diyaaradaha caalamiga ah markii ay noqotay in la dhaqangeliyo, si wayn ayaana loo cambaareeyay, inkastoo dadka Maraykanku ay ku kala qaybsameen sida ay u arkaan arrintaas, marka la fiiriyo araada laga aruuriyay.
Yaa ka hadlay xayiraadda socdaalka?

JOHN KELLY CALLS TRUMP BACK THE ODER AGENISTY 7 MUSLIM COURNTERIES 2017

JOHN KELLY CALLS TRUMP BACK THE ODER AGENISTY 7 MUSLIM COURNTERIES 2017

Gobollada Minnesota iyo Washington, ayaa sidoo kale ku baaqay in xayiraadda socdaalku aanu waafaqsanayn Dastuurka, isla markaana u dhib u keensanayo Dadkooda, Ganacsiyadooda iyo waliba Jaamacadahooda.
Xeer-ilaaliyeyaasha guud ee 16 gobol, ayaa saxeexay Waraaq ay ku cambaaraynayaan xayiraadda, 14 gobol ayaana ka dacwooday arrintaas.
Xoghayeyaashii hore ee Maraykanka John Kerry, Madeleine Albright iyo waliba Madaxii hore ee Waaxda Sirdoonka Maraykanka Leon Panetta, ayaa ku biiray Dadka qoray Waraaqaha kaga soo horjeedaan go’aankaas, iyaga oo xayiraadda socdaalka ku tilmaamay mid aan daliil ku filan loo haynin, halis ah oon waliba faa’iido lahayn.
Sidoo kale, Boqolka Shirkadood ee ugu waawayn dhinaca Tignoolajiyadda ee ay ka midka yihiin Google, Facebook, Apple, Softward iyo kuwo kale oo badan, ayaa iyaguna Dacwad ka dhan ah go’aanka Madaxweyne Trump Isniintii u gudbiyey Maxkamad ku taalla magaalada San Francisco, iyaga oo sheegay in go’aankiisa xayiraaddu hoos u dhigay dhaqaalaha Maraykanka, Wax-soo-saarkooda iyo Ganacsigooda-ba.