Jamaame-Alshabaab oo xubno ka tirsan meel Fagaare ah qoorta midi kaga jaray

Wararka laga helayo degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in rag ka tirsan Al-Shabaab ay meel fagaare ah qoorta uga jareen afar nin oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen sirdoonada Soomaaliya, Kenya, iyo Maraykanka.

Afarta nin oo la kala yiraahdo Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah, Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ah, Axmed Ibrahim Hirre oo 28 jir ah, iyo Cabdalla Cumar Xasan oo 26 jir ah ayaa maxkamad Al-Shabaab ahi waxay sheegtay in ay ku heshay dambi ah inay siinayeen warbixino ka dhan ah dagaalyahanadooda deegaanada ay ka taliyaan hay’adaha mukhaabaraadka ee wadamada Soomaaliya, Kenya, iyo Maraykanka.
Sida ay faafisay idaacadda Al-Shabaab ragaas ayaa meel fagaare ah midi qoorta looga jaaray magaalada Jamaame galinkii danbe.